|

Keebaa Wasiir Maxamuud Xaashi Iyo Safiir Baashe Cawil Run Ka Sheegaya Dhaxal-wareejinta Dekedda Berbera?, Maxaase Lagu Aamini Karaa Xukuumad Kala Hadlaysa Oon Wada Socon?!!

Hargaysa,31.July 2016 (SDN/QJ):- Tan iyo markii dhawaan xukuumadda Somaliland shaacisay heshiis hordhac ah oo ay la gaadhay masuuliyiinta shirkadda caalamiga ah ee DP-World, heshiis ay xukuumaddu ku sheegtay maal-gelin ay shirkaddaasi oo laga leeyahay waddanka Imaaraadku ku samayn doonto marsada caalamiga ah ee Berbera waxa isa soo tarayay shakiga shacabku ka qabo daacadnimada heshiiskaasi oo dhaliyey in dad badani walaac ka muujiyaan qaabka ay xukuumaddu daacad uga tahay iyo in dano gaar ahi ugu jiraan.
laba-wasiirMudadaasi ay xukuumaddu shaacisay heshiiskan waxa soo baxaya kala hadal iyo hadallo is dhaafsan oo masuuliyiinta dawladda ee heshiiskan aadka ugu dhawi ku kala hadleen goobo door ah iyada oo ay ugu dambaysay waraysiyo iyo khudbado ay bixiyeen wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaaji Cabdi iyo Wakiilka Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Xaaji Cumar oo ahaa ninka isagu heshiiskaasi sida weyn uga soo shaqeeyey, kuwaasi oo fagaarayaal kala duwan kaag tiraabay hadallo gabi ahaanba is burinaya oo iska hor imanaya oo mid kastaa dhinac ula kacay.
Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Mudane Baashe Cawil oo dhawaan wax laga waydiiyey heshiiska Berbera waxa uu asal ahaan yahay ayaa sheegay in uu yahay mid ay xukuumaddu ku kiraynayso dekedda Berbera muddo dhan 30 sannadood halka Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi mar uu saxaafadda la hadlayay ka yidhi in heshiisku aanay ahayn mid ay xukuumaddu ku kiraynayso sidoo kalena ku iibinayso.
Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo dhawaan waraysi siinayay barnaamijka Telefishanka Universal ka baxa ee Madasha Siyaasiga ayaa waxa uu wax ka yidhi nooca heshiiskani yahay isaga oo sheegay in uu yahay mid kiro ah oo xukuumaddu ku kiraynayso Dekedda Berbera.
Ambsaddor Baashe Cawil oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Heshiiskan ay xukuumaddu la gashay shirkadda DP-World, waa heshiis ay dekedda kiraysay muddo 30 sanadood ah, kiradaasi maxaa ka soo galaya weeyaan waxa la is waydiin karaa”.
Dhinaca kale haddaba Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi mar uu saxaafadda kula hadlayay madaxtooyada isaga oo heshiiskaasi ka hadlayay waxa uu yidhi: “Dekedda Berbera xukuumaddu mana kiraynayso mana iibinayso, haseyeeshee waa la maal gelinayaa, dekeddana innaga ayaa leh”.
Hadallada labadan masuul bixiyeen ee ay kaga hadleen nooca uu heshiiskaasi yahay ayaa muujinaya sida wax weyni heshiiskaasi uga qaldan yihiin ee aanay xukuumaddu uga run sheegin xaqiiqooyinka uu ku fadhiyo heshiiskaasi maadaama labadan masuul oo ka mid ah kuwa ugu dhadhaw heshiiskaasi laba jawaabood oo iska soo horkeeda ka kala bixiyeen mar wax laga waydiiyey nooca heshiiskan. Waxa hadalka labadan masuul ka muuqda in midna ku sheegay heshiis kiro ah, kan kalena ku sheegay mid aan kiro ahayn. Dad badani waxa ay is waydiin karaan labadan nin midkee run sheegaya?, midkeese been sheegaya?, Jawaabtu waa xaggiina!!

Comments are closed