Uncategorized

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland oo shaqaalaha wasaarada u furay aqoon isweydaarsi looga hadlayo arrimaha Genderka

Hargeysa May 07,2012(SDN)-Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arimaha bulshada ee JSl Mudane Maxamuud Axmed Barre (Garaad)  ayaa maanta u furay kulan socon doona muddo sadex maalmood ah hawlwadeeno kala duwan oo ka tirsan  wasaaradda shaqada ioyo arimaha bulshada ee Somaliland.

Kulankan oo ujeedadiisu tahay sidii loogu tababari lahaa shaqaalaha arimaha Gender-ka ama lammaanaha  shaqadoodana ay uga muuqan lahayd ayaa waxaa ka qayb qaadanaya Isuduwayaasha heer gobol ee wasaaradaasi, la taliyayaasha dawladaha Hoose, agaasimayaasha waaxyaha iyo madax qaybeedada wasaaradaasi.

Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arimaha bulshada ee JSl Mudane Maxamuud Axmed Barre (Garaad)ayaa hadal uu halkaas ka jeediyey waxa uu sheegay in wasaaradiisu astaan cad u tahay sida labada jinsi ay uga wada qayb qaateen ka qayb qaadshada siyaasadda iyo horumarinta Bulshada.

Mudane Garaad waxuu sheegay in habluhu xiligan ay ka firfircoon yihiin Inamada, bulshada maanta ee Somaliland-na ay haweenku ka qaataan kaalin balaadhan dhinacyada nolosha iyo daryeelka.

Wasiirka oo ka hadlayey arimaha daryeelka waxuu sheegay in tobanaan dhalinyaro ah oo hablo iyo wiilalba leh ay dhaqan celin ku sameeyeen kuna xereeyeen xarumo loogu talo galay oo ay ka helaan waxbarsho iyo tarbiyayn.

Dhanka kalena furitaankii kulankaas waxaa hadalo ka jeediyey sarkaal ka socday Hay’adda UNDP xafiiskeeda Hargaysa.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com