|

Xisbiga UCID Oo Cayimay Wakhtiga Uu Qabsoomayo Shirwaynaha Ahayn Ee Xisbigaasi & Xubin Gudoomiye Faysal ku Celiyey Garabka Jamaal si ay u soo Bedelaan DAAWO

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):- Ku Xigeenka Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UCID C/naasir Yuusuf Cismaan (Qodax),  oo maaanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargaysa ayaa iclaamiyay wakhtiga uu qabsoomayo Shirwaynaha aan caadiga ahayn Ee Xisbiga UCID, Waxaanu sheegay in uu Shirwaynuhu dhici Doono 2/11/2016 .

cabdi-naasir-yuusuf-cismaan-qodaxSidoo kale waxaa Garabkii Xisbiga UDUB dib loogu celiyay, xubin ay ku soo dareen Guddida Qaban-qaabada shirwaynahaas, kaas oo aan ka mid ahayn Garabkii Xisbigii UDUB, Balse isagu ka tirsanaa Xisbiga UCID, waxaanu Xisbiga UCID uu ugu baaqay Garabkii Xisbiga UDUB In ay xubintaa soo badalaan oo ay soo magacawdaan xubin kale oo ka mid ah Garabkooda .

Shir-waynahan ayaa waxaa la hor geen doonaa Heshiis ay sannadkii 2012 wada galeen Xisbiga UCID oo dhinac ah iyo Garabkii Xisbiga UDUB Oo isna dhinaca kale ah, waxaana la filayaa in Shirwaynaha lagu ansixiiyo Ama lagu  laalo Heshiiskaas .

Comments are closed