Muqdisho 13.October 2013 (SDN)- Bilowga fadhiga Baarlamaanka ee maanta waxaa Mudaneyaasha Golaha Shacabka ay sii amba qaadeen ka doodida wax ka bedelka Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka taasi oo ay Xildhibaannadu ka doodayeen ilaa shalay laakiin Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo fadhiga Baarlamaanka ee maanta shir gudoominayey ayaa sheegay in aanay dhameyn tiradii u codeyn laheyd wax ka bedelka xeer Hoosaadka Golaha Shacabka sidaasi darteedna ay Xildhibaannadu qodob qodob ugu codeyn doonaan wax ka bedelka xeer Hoosaadka ciida kadib haduu Alle idmo.
Intaasi kadib waxaa Xildhibaannada Baarlamaanka ay guda galeen dhageysiga aqrinta koobaad ee heshiiskii ay Xukuumadda Soomaaliya la gashay shirkadda FAVORI ee dalka Turkiga taasi oo ay Xukuumaddu ku wareejisay maamulidda garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaana Xildhibaannada u aqriyey heshiiskaasi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi oo isagu ugu horeyn xusay in imaanshihiisa Golaha Shacabka uu jawaab u yahay u yeerista Xildhibaannada waxaana uu faah faahin ka bixiyey heshiiska lala galay shirkadda FAVORI iyo waxyaabaha ay shirkadaasi qaban doonto haba ugu horeysee dib u dhiska garoonka.
Wasiirka ayaa xusay in Wasaaraddu xaqiijisay kuna gacan siisay iney garoonka maamulkiisa la kala wareegaan shirkadda iminka maamuleysa ee FAVORI iyo shirkadii hore ee SKA waxaana uu sidoo kale tilmaamay Wasiirku in howlaha shirkadda laga rabo ay ka mid yihiin dejinta xisaabaadka gudaha oo ay bil walba 20-keeda xisaab xir kusoo wareejineyso Wasaaradda ayadoo dakhliga soo xaroodana 3% loo dhigayo ceymis ahaan howlaha garoonka,sidoo kalena Wasiirka waxa uu Xildhibaannada ka qanciyey hadal heynta lacag ay Xukuumaddu ka qaaday shirkadan taasi oo uu xusay in Wasaaradda Maalliyadda lagu wareejiyey.
Intii uu Wasiirka Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ku guda jirey aqrinta koobaad ee heshiiskan waxa uu Xildhibaannada Golaha Shacabka usoo bandhigay naqshadda cusub ee uu yeelan doono garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho taasi oo ay shirkadda FAVORI ku hirgelin doonto mudo 8 bilood ah waxaana uu ugu dambeyntii xusay in hadii ay shirkaddu fulin weydo waxyaabaha lagula heshiisay ay Xukuumaddu awood u leedahay iney mudo 90cisho ah digniin ku siiso shirkadda deetana garoonka maamulkiisa lagu wareejiyo shirkad kale.
Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla cawad oo fadhiga Baarlamaanka ee maanta soo xiray ayaa xusay in Xildhibaannada uu hor imaan doono dhowaan Ra’isulwasaaraha Xukuumadda oo isagu horkeeni doona miisaaniyadda sanadka soo socda ee 2014, sidoo kalena waxa uu ka hadlay xiliga Baarlamaanka uu kasoo laaban doono fasaxa ciidul Adxa oo ku eg 19ka bishan.
Waa qodob dastuuri ah in Xukuumaddu ay Baarlamaanka u soo gudbiso heshiis ay la gashay shirkad ama dowlad balse heshiiskan ay Xukuumadda Soomaaliya la gahay shirkadda FAVORI maanta waxa uu maray aqrinta Koobaad iyadoo ay u harsantahay aqrinta Labaad kolkaasi oo Wasiirka uu Baarlamaanka markale hor imaan doono waxaana XIldhibaannada ay su’aallo ka weeydiin doonaan arrintani.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
