Uncategorized

Hargeysa: Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka qaybgalay daahfur loo sameeyay Buug cusub

Hargeysa April 07,2012(SDN)-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Jamhuuriyada Somaliland Mudane Boobe Yuusuf Ducaale ayaa ka qayb galay xaflad lagu daah furayay bug cusub oo lagu magacaabo Baadi sooc taas oo ka qabsoontay Huteelka Maansoor ee Caasimada Hargaysa.

Waxaa munaasibada bandhiga buugaas ka qayb galay Xildhibaano,Abwaano,Salaadiin, qaar ka mid ah ardayda wax ka barata jaamacadaha dalka iyo Marti sharaf kale .

Wasiirka oo ka hadlaya marka la qorayo buug waxa uu ku tilmaamay wax aan sahlanayn isla markaana uu soo maro marxalado kala duwan gaar ahaan dhinacyada Erey bixinta,Qorista,Daabacada iyo filashada dareenka ay dadka akhristaa ka bixin doonaan,Cabdi Yuusuf Ducaale “Boobe” waxa uu ku guubaabiyay dhalinyarada ku jirta Jaamacaduhu sidii ay xooga u saari lahaayeen inay wax qoraan waxaanu amaan u soo jeediyay Tifaftiraha buugan oo wakhti badan u huray sidii uu u soo jaari lahaa buugan .

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Tifaftiraha Buugan Baadi Sooc Khaalid Jaamac Qodax,Nimco Maxamed Faarax oo ka tirsan Naadiga Qorayaasha iyo Suldaan Daakir oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland oo dhamaantoodba ka waramay faa’iidada qoraalada.

Kooxda ciyaaraha dhaqanka Serkas Somaliland ayaa madashaasi ku soo bandhigay Masrixiyad ay ka soo dheegteen Buugan baadi sooc.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Abwaan Axmed Aw Geedi oo munaasibadaas ka akhriyay qaar ka mid ah suugaanta uu curiyay ee buugan ku qoran.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com