Hargeysa, 11, May 2012 (SDN)- Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo wefti ay hogaaminayso ayaa kormeer ku maraya gobollada bari ee dalka, isla markaana xilligan ku sugan magaalda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Ujeedada socdaalka weftigan ayaa la xidhiidha u kuurgalka xaalda waxbarasho ee gobolladaas, waxaana Wasiirka ku weheliyay Madaxda waaxyaha wasaaraada waxbarashada oo ay ka mid yihiin, Madaxa Imtixaanaadka Guud Daa,uud Axmed Faarax, Kormeerka Guud ee wasaarada Waxbarashada Xasan Cabdilaahi Rooble..
Madaxa Imtixaamaadka Daa,uud Axmed oo markii weftigu ay kormeerkaas soo dhamaysteen ka waramay socdaalkooda ayaa waxa ka mid ahaa hadalladiisii. “Waxaanu maalmahanba socdaal ku maraynay gobolada ay ka mid yihiin Saaxil iyo Togdheer, maadaama ay soo dhaw yihiin imtixaanaadkii oo ay is daba socdaan kii iskuulda caadiga ahaa iyo kii shahaadiga ahaaba, waxaanu waftigu eegayaa sida ay ardaydu ugu diyaar tahayba iyo in la ogaado wixii mashaariic ah ee waxbarashada ah, waxaanan soo kormeeray Dugsigii farsamada gacanta, Dugsigii Sheekh iyo meelo kale oo aanu mari doono.” Ayuu yidhi Mr. Daa’uud
SDN, Hargeisa
