Uncategorized

Wasiirkii Gaashaandhigga Waqooyiga Kuriya Oo Loo Toogtay Ficil Uu Ka Sameeyey Goob Hoggaamiyaha Waddankaasi Ku Sugnaa

Byongyang:May,13,2015(SDN/QJ)-Dunida waxa si weyn looga Hadal hayaa Fal lagu dilay Wasiirkii Difaaca Waddanka Waqooyiga Kuriya Hyong Yong, kaas oo la  sheegay inuu Amray Hoggaamiyaha dalkaasi Hogaamiyaha Kuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

kwerWaxa xiiso yeelatay, isla-markaana indhaha, dhegaha iyo dareenka caalamiga ah si weyn usoo jiidatay Sababta  wasiirkaas loo dilay, taas oo noqotay inuu Wasiirku si kedis  ah Hurdo u galay Xilli lagu sugnaa Munaasibad Militeri, isla-markaana uu goob joog ahaa Hoggaamiyaha awoodda Badan ee Dalkaasi.

Falkan ayaa lagu sheegay asluub-xumo iyo tixgelin la’aan ku aadan hogaamiyaha dalkaasi.

Laba todobaad kahor ayaa la sheegay in Wasiirka Difaaca lagu toogtay Akademiyada ciidamada ee ku taal caasimada Pyongyang, waxaana lagu toogtay hubka lidka diyaaradaha.

Toogashada Wasiirka ayaa la sheegay inay u daawasho tageen boqolaal dad ah oo u badnaa Masuuliyiin xilal kala duwan hayaa.

Sanadihii lasoo dhaafay ayuu dhowr mar dil ku xukumay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi qaar kamid ah Saraakiishii sare sare ee hore ulla soo shaqeeyey Aabihiis oo uu xilka ka dhaxlay.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com