Uncategorized

War Deg Deg ah:Xukuumada oo ku dhawaaqday inay Wada hadal la Galayso Xisbiyada Mucaaridka Gaar ahaan Qadiyada Doorashooyinka Iyo Mudo Kordhinta DHAGAYSO

Hargaysa 13.May 2015 (SDN/QJ)- Madaxweyne ku xigeenka  JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici  oo saaka shir jaraaid ku qabtay  Xafiiskiisa ayaa sheegay inay  Xisbiyada qaranka  u fidinayaan shir wadahadal  oo lagaga arinsanaayo khilaafka siyaaseed ee ka taagan mudo kordhintii ay sameeyeen golaha guurtidu, waxaana uu  xusay Madaxweyne  ku xigeenku  in 20-bishan laysugu iman doono shirkaasi wada tashi ka dib  xuska maalinta qaranimada somalind ee 18-ka may , Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa hoosta ka xariiqay in umada Somaliland caan ku tahay wada tashiga  islamarkaana ka xukuumad ahaan ugu baaqayaan asxaabta qaranka shirkaasi wada hadal.

 

DSC_0026Madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo  saxaafadu  su,aalo ka waydiisay waxa keenay dib u dhaca doorashada iyo sababta wakhtigan kaliftay iclaaminta shirkaasi ee hore laysugu iman waayey ayaa isagoo ka jawaabaya wuxuu sheegay, in dib udhaca doorashadu  sababtay  cilad farsamo islamarkaana ka dib soo jeedintii komishanka doorashooyinka ka dib la bilaabay wada hadalo iyo wada tashi balse uu ka baxay xisbiga wadani, Madaxweyne ku xigeenka sidoo kale wuxuu daboolka ka qaaday in golaha guurtidu dastuuriyan xaq u leeyihiin mudo kordhinta wallow aanay mudadii komishanka waxba dhaafin marka laga reebo  4-biloodh oo ay dhaafiyeen mudadaasi danta qarankuna ku jirto.

 

Madaxweyne ku xigeenka  JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici  Wuxuu intaas ku daray in Wada hadal ay la galayaan Xisbiyada Mucaaridka oo ay ka wada xaajoonayaan arrimaha doorashooyinka sidii xal looga gaadhi lahaa.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO MADAXWEYNE KU XIGEENKA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Saylici13M.mp3″]