|

Wasiiro ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Gargaar iyo Gaadiid Umpalas ah Gaadhsiiyey Gobolka Awdal DAAWO

Hargaysa 21.March 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaarada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo uu weheliyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil C.laahi Axmed iyo xubno ka tirsan gudida abaaraha heer qaran ayaa gaadhay Gobolka Awdal .

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo waftiga ay hogaaminayso ayaa gaadhsiiyay deeq raashin ah kuwaasi oo loo qaybinayo dadkay haleeleen abaaruhu ,deeqdan raashinka ahayd oo dhamayd laba baabuur oo iskugu jira caano iyo raashin ,
Weftigu waxaa kale oo ay ku wareejiyeen maamulka gobolka awdal laba gaadhi oo ambalaas oo loogu talol galay inay ka qayb qaataan Gurmadka dadka Jilicsan ee abaartu saamaysay waxaana isla maanta raashinkii loogu qaybiyay dadkii ku tabaaloobay xaaladan abaareed gaar ahaan kuwa ku dhaqan deegaanka Qulujeed oo dhinaca galbeedka ka xigta magaalada Boorama waxana ka hadlay maamulka gobolka oo u mahadnaqay wasiirada iyo gudida abaaraha ee soo gaadhsiiyay deeqdan iskugu jirta raashin iyo gaadiid.

Waxa iyana dhinacooda ka hadlay wasiirada wasaaradaha Maaliyada , Diinta iyo awqaafta oo u mahadnaqay cidkasta oo Gurmad soo gaadhsiisay dadka iyo duunyada ku tabaalaysan Gobolka Awdal.

Comments are closed