Hargaysa 01.June 2014 (SDN/QJ)- Booliiska Madaarka Hargeysa gaar ahaan Laanta Socdaalka ayaa manta madaarka Hargeysa ku xidhay laba nin oo ay uga shakisan yihiin Al-shabaab, kuwaas oo lagu soo waramayo inay ka soo duuleen magaaladda Muqdisho.
Illaa hada xadhiga labadan nin Xukuumadda Somaliland wax war ah kamay soo saarin, hase yeeshee ilo wareedyo u dhuun daloola qabashada labadan nin ayaa sheegaya in lala xidhiidhinayo in ay yihiin kooxaha Maal-galiya kooxda Al-shabaab.
Labada Nin ayaa lagu waramayaa in fadhigoodu yahay Dalka Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ah shakhsiyaadka ku foogan in ay dhaqaale ahaan taageeraan Al-shabaab.
Wararka la helaayo ayaa sheegaya in illaa hada lagu hayo saldhig ku yaala madaarka Hargeysa, isla markaana Ciidanka Booliisku ku wadan baadhitaan dheeraad ah.
Taliyaha Booliiska Somaliland iyo Taliyaha Laanta Socdaalka oo aanu la xidhiidhnay ayaanu midkood na noo suurtogelin in aanu helno kadib markii ay telefoonada naga qaban waayeen.
Hargaysa SDN/QJ
contact@somalidiasporanews.com
