Uncategorized

“Waxa aanu Xaqa u leenahay hadii naftu naga baxayso ama nalagu tooganayo kama Hadhayno” Gudoomiyaha Ururka Solja {DHAGAYSO}

Hargaysa 04.May (SDN) Xuska maalinta Caalamiga ah ee Saxaafada adduunka oo la qabto sannadkasta 3 bisha May oo Jimce ku beegantay ayaa maanta lagu qabtay magaalada hargaysa,Gaar ahaan Huteel Guuleed.

Munaasibadan waxaa hadalo ka soo jeediyay Madax kala duwan oo ka qayb galay  Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Xasan Maxamed Yuusuf ayaa si qoto dheer uga hadlay Tacadiyada kala duwan ee Suxufiyiinta Somaliland ka soo gaadha marka ay ku Guda jiraan Hawl maalmeedkooda Shaqo ee ay ummada u hayaan Waxaanu sheegay inay ka soo hor jeedaan talaabo kasta oo lagu wiiqayo Nidaamka Xoriyatul qawl .

”Waxa aan  laba cisho ka hor waydiisanay wasaradda arrimaha Gudaha  in ay  noo fasaxo waxa aan saaka ku war helnay ciidamadda RRU-da oo meel walba lagu dadiyay, gurigayaga naloo soo hor dhoobay sidaan qarxayno,xataa waxa naloo diiday madbacadii aan wax ku daabacanaynay oo ciidan naloo hordhigay looguna hanjabay in anay noo dabicin wax, oo waxa la jeexjeexay boodhadhkii aan meelaha ku xidhnay,waxaan u sheegayaa xukuumdda  aan samir ka taaganahay dilkii Wariye Axmed Saki oo anan iminkana uga fadhiyin in ay soo qabato qofkii kale ee la sameeyay labadii nin ee weeraray wargayska Hubaal,isagoo Taliyaha ciidamada Boolisku afkiisa ka sheegay in ay labada ninba ay ka tirsanaayen ciidamada boliska Somalilnad,waxaanu halkan idiinku soo Gudbinaynaa hadaladii ay Munaasibadaas ka soo Jeediyeen Gudoomiyaha Ururka Solja Xasan Maxamed Yuusuf iyo Xog hayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo isaguna balan qaaday inuu la dagaal gelayo Saxaafada maadaama uu Wakhti dheer ku soo jiray.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/solja45(1).mp3″]
Hargasya SDN.

Qurbejoog.com