|

“Waxaan Arkaa Madaxweynaha Toddobaadkii (Mar), Oo Jimcahaan Kula Tukadaa Masaajidka, Haddaanu Is-nidhaahno La Taliyana Wuxuu Qofku Sii Marinayaa…” La Taliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee Gobolada Bari

London 31. May 2017 (SDN/QJ):- La Taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Gobollada bariga Dalka Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax, ayaa ka warramay Wada-hadallada u socda Khaatumo iyo Dawladda Somaliland iyo Shuruudaha uu Dr. Cali Khaliif Galaydh uu doonayo in Somaliland fuliso, si Kooxdiisa Khaatumo ula midowdo Somaliland.

Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax, waxa uu sheegay in Cali Khaliif Galaydh oo dhowr jeer Wada-hadallo la galay Somaliland ay Shuruudihiisa ka mid yihiin in Somaliland Maamulkeeda loo qaybsado sidii ay ahayd 1960-kii, haddii kale aanay waxba ka hirgelaynin Qorshaha Somaliland ku doonayso inay Khaatumo ku so xerayso.

Garaad Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax oo Wareysi dheer siiyey Telefiishanka Kalsan, ayaa isagoo ka hadlaya Shuruudaha uu Cali Khaliif Galaydh ka doonayo in Somaliland fuliso wuxuu yidhi “Cali Khaliif wuxuu aaminsan yahay 1960-kii sidii Dadku ahaan jireen haddii Xukuumadda Somaliland diyaar u tahay in Miis wax lagu qaybsado, isna waa diyaar oo waa Ninka Somaliland ugu horeynaya. Cali iyo Dadka Taabacsani waxay rabaan in sidan wax laga beddelo. Aniguna Dawladda soo socota waxaan kula talinayaa inay Sharciga furfuraan.”

Garaad Cabdinaasir waxa kale oo uu sheegay in Dawladda Somaliland codsatay in dib loo dhigo Wada-hadalladii u socday Khaatumo, “Waad ogeydeen oo Wada-hadallo badan ayay galeen Somaliland iyo Khaatumo, waxa bishii April la qaban lahaa Shirkii ay Somaliland iyo Khaatumo ku soo gebogabayn lahaayeen (Wada-hadalladooda), laakiin, maaddaama oo ay Abaaro badani jireen oo dhibaatooyin Waddanka soo food-saareen, Somaliland lafteeda ayaa Khaatumo ka codsatay in Dib Shirka loo dhigo. Markaa Shirkaasi wuxuu noqonayaa Ramadaan ka dib, Shirkaasina wuxuu noqonayaa kii ay Khaatumo ku iman lahayd (Somaliland).”

La Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay “Illaa 1991-kii ayaa Gobollada barigu wax tabanayeen oo ay Mucaarad u badnaayeen, markaa waxaan u maleynayaa in Arrinta Khaatumo Biyo-shubadkeedu inuu la kawsan doono Madaxweynaha Dambe, maaddaama oo Xukuumaddan ay dhowr bilood u hadheen.” Ayuu yidhi.

La Taliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee Arrimaha Bariga Somaliland oo la waydiiyey in Talooyinka isaga iyo La taliyeyaasha kale bixinayaan gaadhaan Madaxweynaha, ayaa ku jawaabay “Annagu Madaxweynaha ayaanu la talinaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray haddii ay Arrin deg-deg ahi ku timaaddo oo uu doonayo inuu Madaxweynaha talooyin u gudbiyo uu sii mariyo Wasiirka Madaxtooyada, “Hadday Arrin deg-deg ahi nagu soo korodho, oo aanu is nidhaahno Madaxweynaha Deg-deg ula taliya, waxa loo sii marayaa Wasaaradda aan joogo ee Madaxtooyada, oo Wasiirka Madaxtooyada ayuu Qofku u gudbinayaa Taladii, markaas ka dib ayuu Wasiirka Madaxtooyadu uu ballan ka dhigayaa Madaxweynaha, markaa waxa dhici karta in Madaxweynuhu uu wakiisho Wasiirka Madaxtooyada.”

La Taliye Cabdinaasir oo la waydiiyey inuu Madaxweynaha arko iyo in kale ayaa ku jawaabay “Madaxweynaha waan arkaa Toddobaadkii ama Labadiii Toddobaadba (Mar), oo Madaxweynaha waxaanu Jimce kasta kula tukanayaa Masaajidka Madaxtooyada.”ayuu yidhi.

Comments are closed