|

Ganacsade Maxamed Yuusuf Cali (Gurey) oo Deeq Raashin ah Gaadhsiiyey 400 OO Qoys oo Ku Nool Deegaanada Degmada Sabo-wanaag DAAWO

Hargaysa 31. May 2017 (SDN/QJ):- Ganacsadaha weyn ee caanka na ah Ganacsade Maxamed Yuusuf Cali (Gurey), ayaa bisha barakeysan ee Ramadaan awgeed deeq raashin ah gaadhsiiyey 400 oo qoys oo ku nool deegaanada hoos yimaada degmada Sabo-wanaag ee gobalka Maroodi-jeex.

Ganacsade Maxamed Yuusuf Cali Gurey oo ah sida oo kale na guddoomiyaha shirkadda Kalluunka ee Pontus Marine, ayaa ah ganacsade inta badan caan ku ah u sama-falidda dadka danyarta iyo taakuleynta dadka baahan wakhtiyada daran.

Dadweynahii halkaas lagu gaadhsiiyey deeqda raashinka ah, ayaa dhammaantood ba ka mahadceliyey deeqdaasi, waxaana ay Alle uga baryeen in ganacasadaha ugu soo deeqay uu bedel kheyr qaba ugu bedelo maadaama uu soo xasuustay wakhti ay aad ugu baahi qabeen oo ay imika uun ka soo kabanayaan abaaro xooggan oo ka jara deegaanaddaasi.

Comments are closed