Hargaysa 10.Feb 2014 (SDN)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha guud, gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland, Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa ka hadlay khilaafka Golaha Wakiilada, waxaanu sheegay in heshiis la gaadhay mar haddii la wada hadlayo.
Axmed Cabdi Xaabsade, oo saxaafadda kula hadlay golaha xarunta Baarlamaanka, ayaa sheegay in haddii Baashe diiday soo jeedinta Xaaji Cabdi Waraabe ee ah in toddobaad goluhu fasax ahaado isla-markaana dibadda lagu soo dhameeyo arrintooda uu iska ogolaan doono “Waxaan Qabaa in Baashe Ogolaan doono in arrinta dibada lagu soo dhameeyo” ayuu Yidhi Xaabsade.
Xaabsade oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Nabadgalyo ayaan la gaadhay, in Goluhu nabadgalyo ku wada hada hadlo ayaa la sheegay, ilayn markii hore lama wada hadlayne, Baashe-na wuu iska ogolaanayaa iisha Allaah”
Xaabsade oo la waydiiyey doorka uu khilaafkan xalinta Golaha Wakiilada ka qaadan karo, ayaa ku jawaabay “Anniguna Guurtida ayaan ka mid ahay”
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
