Wariyada aamina muuse waheliye ayaa bogeed face booka ku shaacisey in barnaamijkeeda nala fiidso uu la daadihin shaqsiyad aanu waayahan danbe uga baranay dhinaca siyaasada hadaba waa kuma shaqsiyadasi?
London 19Sep13(SDN) Waxaanu horey u aragnay wax badan Suxufi isu badalay siyaasi, laakiin weli ma aragnay siyaasi isu badalay suxufi?
Meel dheerba ha ka raadin, Siciid Cumar Axmed wuxuu hore u ahaa siyaasi xoghayahii hore ee Arimaha Dibada ee Xisbiga Ucid , hadase laga bilaabo habeen dambe wuxuu toos ula daadihin doonaa barnaamijka NALA FIIDSO Amina Muuse Weheliye.
Siciid oo horey ugu dhuun-daloolay dhinaca siyaasada wuxuu khibrad ku leeyahay xiriirka dadweynaha, marka ay hadal timaadana waaba u CAD DOOLSHA AH, iminkase wuxuu sii gaarsiinayaa daadihinta NALA FIIDSO, inta uu Wariye Maxamed Maxamuud Tiriig ku maqan yahay safar-gaaba oo muddo bil ah qaadan doona.
Tani waa tallaabo horuumar leh waxaana Siciid ka baran doonnaa dhan kale wuxuuna tusaale u noqon doonaa siyaasiyiinta Soomalida ee isku koobay dhanka siyaasada uun, wuxuu furi doonaa baal cusub, ooy dhici karto in qaar badani kaga daydaan.
Dhamaanteen bahda NALA FIIDSO iyo TV-ga Horn Cable waxaan leenahay soo dhowoow Siciid, una diyaar garoow masrax ka duwan kii siyaasadda iyo ka hadalkeeda ayna u dhan yihiin maad, murti iyo macnaba.
aamina muuse
facebook bage
