Hargeysa 25.March 2015 (SDN/QJ) Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo-guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in askarigii dilka u geystay Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacmadheere) oo ka mid ahaa ganacsatada reer Somaliland si degdeg ah sharciga loo marindoono.
Taliye Fadal waxa uu sidan ku sheegay aaskii qaran ee shalay loo sameeyay Marxuum Gacmadheere.
“Gacan ka xaqdaran baa dishay Marxuumka, waxa kale oo aan halkan uga iftiiminayaa bulshada reer Somaliland sidii amarkii Madaxweynuhu shalay (doraad) ku baxay in saacadaa aynu joogno in gacan ku dhiiglihii dacwadiisu socoto, si degdegana waajibkiisa loo marinayo ayaan Ummada reer Somaliland u bayaaminayaa oo aan u cadaynayaa in waajibkiisa si degdeg ah loo marinayo.” Ayuu yidhi Taliyaha Boolisku
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
