|

Weerar qasaaro gaystay oo ka dhacay Xerada IFO

Dhadhaab Jan 01,2012(qurbejoog.com)-Wararka ka imanaaya Xerada Qaxootiga Dha-dhaab gaar ahaan IFO ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubaysan ay halkaasi ku weerareen Mas’uul Xeradaasi u qaabilsana dhinaca amniga sida ay xaqiijiyeen dadka ku nool halkaasi.

Goobjoogayal ku sugan Xerada ayaa waxa ay ku waramayaan in Mas’uulkaasi lagu furay rasaas nool nool oo qasaaro kasoo gaartay, iyadoo la tilmaamay in islamarkiiba loola cararay Xarumaha Caafimaad ee ka agdhow halkaasi.

Kooxaha ayaa wararku qaar waxa ay sheegayaan inay ku hubaysanaayeen Bastoolado, iyadoo wararku ay intaasi ku darayaan in Mas’uulka uu soo gaaray dhaawac culus inkastoo aan si dhab ah u cadeyn.

Guddoomiyihii Xerada Dha-dhaab ee dalka Kenya ayaa waxaa kooxo hubaysan ay ku dileen Xeradaasi, iyadoo arintaasi ay si aad u cambeeraysay Qaramada Midoobay oo sheegtay in taasi ay ka dhalan karto xaalado nolol xumo oo soo wajihi kara dadka ku nool halkaasi oo u baahan gar-gaar bini’adannimo.

Weerarkaani ayaa waxa uu udaba socdaa weerar xalay dabley si aad ah u habaysan islamarkaaana saarnaa sida la shegay gaari Taksi ay ku qaadeen goob lagu caweeyo oo ku taala Magaalada Gaarisa ee dalka Kenya halkaasi oo ay ku geeriyoodeen ilaa 5-ruux halka ku dhawaad 30-kalana ay ku dhaawacmeen xilli ay u dabaalgayeen Munaasabadda sanadka 2012-ka.

 

Qurbejoog-Dhadhaab

Comments are closed