|

Dagaal qasaaro gaystay oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho 1 January 2012 (Qurbejoog.com)-  Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan buuxda ka helaya kuwa Midowga Afrika AMISOM iyo Kooxda Al Shabaab ayaa xalay waxa uu dagaal ku dhexmaray qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay 3-ruux ayaa ku geeriyootay tiro kale way ku dhaawacmeen kuwaasi oo la sheegay inay ahaayeen dhinacyadii dagaalamay, iyadoo dagaalkii xalay uu ku bilowday kadib markii Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisimooyin Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin degmooyinka Dayniile iyo duleedka Kaaraan.

Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya  iyo kuwa AMISOM ayaa adeegsaday rasaas aad u xoogan, waxaana la sheegay in dagaalka xoogiisu uu ka ka dhacay duleedka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

“Hal mar ayaa xalay  waxaan kusoo toosnay rasaas nool nool oo cirka maraysa, baqdin ballaaran ayaa nasoo wajahday, rasaas aad u culus ayay adeegsanayeen dhinacyadii dagaalamaay gaar ahaan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.

Dhinacyadii dagaalamay wali wax war ah kama soo bixin, xaaladduna iminka waxa ay tahay mid dagan inkastoo dagaaladaani ay qeyb ka yihiin  kuwo habeenadii lasoo dhaafay ay si goos goos ah usoo qaadayeen Ururka Al Shabaab.

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed