Uncategorized

Weerar Shaqaale Qaramada Midoobay ahi ku Dhamaadeen Oo Kooxda Al-shabaab Goor Dhaweyd Ka Fulisay Gudaha Magaalada Garowe iyo Tirada Dhimashada

Garoowe:April,20,2015(SDN/QJ)-Kooxda Al-shabaab, ayaa weerar khasaare  geystay goor dhaweyd ka fulisay Gudaha Magaalada Garowe, waxana halkaas ku dhintay Tiro dad ah oo ka mid ahaa shaqaalaha qaramada midoobay, iyadoo gaadhiga qaraxa lala eegtayna ay lahayd Hay’ad qaramada midoobay ahi.

kioeWarar hor leh oo soo baxay ayaa sheegaya in dhimashadu ay marayso Toban qof oo isugu jira madaw iyo cadaan, walow labo ka mid ah la sheegayo inay Somali yihiin.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, iyagoo xaqiijiyay in dhimashadu mareyso 10 ruux, ayna u badan yihiin kuwa ajaanibta ah ee Qaramada midoobay.

Garowe ayaa xarun u ah maamulka Puntland iyo shirkado ajaanib ah oo ay kamid tahay Saracen iyadoo ay sidoo kale ka hawl-galaan kuwa ka tirsan Qaramada midoobay.

Qaraxan ayaa kusoo aaday iyadoo uu dalka Itoobiya ku maqan yahay madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com