Brugsells:Jan,20,2015(SDN/QJ)-Wasiirrada Arrimaha Dibadda Dalalka midowga yurub, ayaa maanta kulan ku leh Xaruntooda Brussels, waxana ay ka arrinsanayaan Weerarkii dhawaan lagu qaaday Wargeyska Charlie Hebdo.
Wasiirada, ayaa waxay isku raaceen in dagaal lala dagaalo Islaamiyiinta xagjirka ah, iyadoo iskaashi heer caalami ah lala yeelanaayo dalalka dunida Islaamka.
Midowga Yurub waxay qireen in Muslimiinta ay yihiin kuwa ugu badan ee dhibaatada kala kulmaaya qolyaha xagjirka ah, sidaasi daraadeedna aan la huri doonin in iskaashi lagala yeesho.
Sidoo kale waxay soo hadalqaadeen falcelintii laga bixin lahaa weerarka Magaalada Paris iyo xidhiidhka ay la yeelanayaan Dowladda Ruushka, oo marar badan ay ku eedeeyeen inay dhabarka ka riixeyso xoogaga Dowladda Ukraine kula dagaalamaaya bariga dalkaasi.
Tani waxay ku soo aadeysaa, xilli Wasaaradda Cadaaladda Belgium-ka ay sheegtay in dalkeeda ay ka heshay koox jihaad doon ah, isla-markaana baadi-goob loogu jiro xubnaha ka tirsan kooxdaasi.
SDN/QJ
