Lusaka:Jan,20,2015(SDN/QJ)-Kadib Geeri lama filaan ahayd oo Bishii October ee sanadkii tegay ku timi madaxweynihii Dalka Zambia, ayaa maanta lagu wadaa inay doorashooyin madaxtinimo u dareeraan shacabka reer Zambia.
Xisbiga haatan talada haya ee Patriotic Front, ayaa ku kalsoon in uu guuleysan doono, waloow uu wajahayo tartan adag oo kaga imanaya mucaaradka.
Kor-joogtada heer gobol waxay sheegeen inay raalli ka yihiin diyaar garowga loo galay doorashada madaxtinimada, waxana la filayaa inay Doorashada aad iskugu dhawaan doonaan Edgar Lungu oo ka socda xisbiga Patriotic Front iyo Hakainde Hichilema oo ka socda United Party for National Development.
Musharixiinta madaxweynenimada waxay wacad ku mareen inay sare u qaadayaan hanaanka waxbarasho ee waddanka, iyo shaqo abuuris. Dadka codka bixinaya waxay rajaynayaan in siyaasiyiintu ka dhabayn doonaan balanqaadyadooda.
Kontonkii sano ee ay Zambia madax banaaneyd, waxay ahayd dal deggan, waxaana si joogto ah looga qabanayey doorashooyin tan iyo markii la soo af-jaray nidaamka xisbiga qudha ku dhisnaa.
Musharaxii guulaysta wuxuu xafiiska haynayaa 18-ka bilood ee ka dhiman xilligii uu xilka hayn lahaa Michael Sata, iyadoo dalkana ay ka dhici doonto doorasho guud 2016-ka.
SDN/QJ
