Uncategorized

Wefdigii Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo soo gunaanaday Safarkoodii Mareykanka iyo Gollaha Amaanka oo Diiday in ay ka Aqbalaan Qoraal(Maxaa ku qoraa Qoraalka)

Washington April 28,2013(SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gunaanadaya safar dhawr cisho qaatay oo ay ku tegeen dalka Mareykanka.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa mudadii ay halkaa ku sugnaayeen waxa ay la kulmeen ganacsato, siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka tirsan dawlada Mareykanka.

Madaxweynaha Somaliland iyo wefdiga uu Hogaaminayo ayaa sidoo kale isku deyey in ay qoraal u gudbiyaan gollaha amaanka ee Qaramada Midoobey.

Qoraalkan oo uu diyaariyay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland Md Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa waxa ku xusnaa qodobo dhawr oo ku wejahan sida Qaramada Midoobey ula macaamisho Somaliland.

Qoraalka ayaa waxa ay Somaliland ku garnaqsaneysaa in aaney Soomaaliya u gaar noqon “mulkiga Aaga Dhaqaale”ee xeebaha Somaliland.

Sidoo kale Qoraalka ayaa lagu xusay in hogaanka xafiisyada Hargeysa ee Qaramada Midoobay aan la hoos geyn kuwa Muqdisho.

Laba Cisho ka hor ayuun beey aheyd kolkii ay Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey soo dhaweysay wadahadaladii dhawaanta Somaliland iyo Soomaaliya ku dhexmaray dalka Turkiga.

Madaxa waaxda siyaasada ee Gollaha amaanka  Jeffrey Feltman ayaa sheegay in golluhu taageersan yahay heshiiskii ay wada jirka u gaareem labada dhan.

Balse QM ayaa diiday in xubnaha gollaha amaanka loo gudbiyo qoraalka ay Somaliland ka diyaarisay qadiyadeeda.

Waxa intii ay soo shaacbaxday safarka madaxweynaha Somaliland iyo wefdiga uu hogaaminayo waxa isa soo tarayay olole ka dhana safarka madaxweynaha oo ay wadaan qaar ka mida masuuliyiinta Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee Somaliland ayaa haatan wada olole lagu dardar gelinayo ka miro dhalinta qadiyada madaxbanaani ee Soomaaliland.

SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com