|

Wefti ka Socda Somaliland oo Kooxda Khaatumo Maanta Wada Hadal kula Yeelanaya Deegaan ka Tirsan Gobolka Saraar

Hargaysa 31. Decembar 2015 (SDN/QJ):-Wefti Balaadhan oo ka Socda Xukuumada Somaliland ayaa Goor dhawayd u Kicitimay Xarunta Gobolka Saraar ee Caynabo.

Weftigan Wasiiradda oo uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Mudane Cali Maxamed Warrancade, oo ay ku wehelinayaan xubno Wasiiro ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda JSL Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa safar aan hore loo sii shaacin ugu amba baxay Gobolka Saraar gaar ahaan Magaalada Caynaba oo ay ku balansan yihiin inay wada hadal kama danbays ah la yeelanayaan koox ka tirsan Khaatumo oo ku dhawaaqay inay nabadda qaadanayaan.

Wararka aanu ka helayno labada dhinac ayaa sheegaya in halkaas uu uga furmo doonno shir labada geesood ah kaas oo lagu kala garnaqsan doonno arrimaha nabadda iyoxasillooni kusoo dabaalka deegaanada buuhoodle iyo sool.
Xukuumadda Somaliland ayaa ku hawlaneed sidii ay usoo xero galin lahayd kooxaha kasoo horjeeda ee khaatumo iyadoo raacani uu noqonayo kii ugu badnaa.

wixii warar ee kasoo kordha kala soco halkan Insha Allaah.

Comments are closed