Laascaanood 11.Aug (SDN) Weftigii Wasiirada ahaa ee Ku Sugnaa Magaalada Laascaanood ayaa maanta Xarunta dawlada hoose kulan balaadhan kula yeeshay qaybaha bulshada sida Cuqaasha,Dhallinyarada iyo Haweenka .
Kulankaas oo sidoo kalena ay ka soo qayb galeen Gudoomiyaha Gobolka Sool iyo Duqa Magaalada Laascaanood oo ay Weheliyaan Xildhibaanada Golaha deegaanka ee Magaaladaasi ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyay Cuqaashii kulankaasi ka soo qayb gashay iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin ka shaqaynta horumarinta gobolka Sool.
Wasiirul dawlaha Nabadaynta Gobolada bari Mudane Cali Maxamud “Cali Sandule” iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Cabdi waaxid C.qaadir C.raxmaan ayaa Cadeeyay in Xukuumada Somaliland ay ka go’an tahay horumarinta Gobolka Sool isla markaana ay u soo Jeedsatay sidii ay wax uga qaban lahayd.
Laascaanood SDN.
Qurbejoog.com
