Uncategorized

Weftiga Guddoomiye Cirro ee Shirka Daallo ka qaybgalayaa muxuu kala kulmay Ceerigaabo, muxuuse ka filayaa inay shirk aka soo baxaan?

Ceerigaabo 6, July 2012 (Qurbejoog.com)- Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo wefti uu hogaaminayo, ayaa maanta gaadhay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha iyo weftigiisa oo shalay ka ambabaxay caasimadda Hargeysa, waxaa duleedka Ceerigaabo kaga hortegay Madax-dhaqameed, iyo dadweyne ku soo dhaweeyay magaaladaas.

Gudgoomiyaha golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo hadal kooban ka jeediyay magaalada Ceerigaabo, waxa uu u mahadceliyay masuuliyiinta iyo dadweynaha ee soo dhawaynta weftigiisa ka qaybgalay.

Waxa uu sheegay in ujeedada socdaalkiisu ay la xidhiidho ka qaybgalka shir beeshiisa uga uga socda buurta Daallo, wuxuuna xusay inuu halkaas ka jeedin doono wixii talo iyo tusaale ah ee looga baahdo.

Guddoomiye Cirro waxa uu intaa ku daray inuu shirkaas ka filayo inay ka soo baxaan wax dhagaha dadka reer Somaliland ka farxiya, isla markaana dan u ah dalka iyo dadka intaba.

Shirka beesha Habaryoonis uga socda Daallo, waxa ka qaybgalay wufuud tiro badan oo ay ku jiraan siyaasiyiin qaarkood u ordayaan hanashada hoggaaminta Somaliland, kuwaasoo ay ka mid yihiin hoggaamiyaha urur-siyaasadeedka Umadda Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Cali Maxamed Waran-cadde oo ka tirsan madaxda UDUB iyo guddoomiyaha ururka Wadani Cabdiraxmaan-Cirro.

Qurbejoog.com, Ceerigaabo