Uncategorized

Weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo Kulan la yeeshay Wasiirul dawlaha Arimaha Dibada ee Isu taga Imaaraadka Carabta

Hargaysa 16Jan.(SDN

Weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland oo Socdaal Shaqo ku jooga dalka Isu taga Imaaraadka Carabta ayaa maanta la kulmay Wasiirul Dawlaha Wasaarada Arrimaha Dibada ee Isu taga Imaaraadka Carabta Dr Anwar Mohammed Garga iyo ku xigeenkiisa Faris Al-Mazroui.

 

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr Maxamed C.laahi Cumar oo Khadka Telefoonka noogu waramay isagoo ku sugan Magaalada Dubai ayaa sheegay inay Labada dhinac kulankaasi kaga wada hadleen Sidii loo xoojin lahaa Xidhiidhka Iskaashi iyo Wax wada qabsi ee labada dal iyadoo si gaar ah loo taabtay sida uu Yidhi doorka ay Imaaraadku ka qaataan Mashaariicda Horumarineed ee ay Somaliland u fidiyaan, isu taga Imaaraadka Carabtu ay u sii xoojin lahayd mashaariicda horumarineed ee ay inaga gacan siiso iyo sidii xafiis ganacsi oo ay leedahay Somaliland looga furi lahaa Magaalada Dubai.

Wasiirka Arrimaha Dibadu waxaa kale oo sheegay inay Madaxda dawlada Imaaraadka uga mahadceliyeen kaalintii  ay ka qaateen wada hadaladii u socday labada dal ee Somaliland iyo Somalia .

Weftigan uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr Maxamed C.laahi Cumar oo ay Xubno ka yihiin Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Maareeyaha Dekeda Magaalada Berbera Eng Cali Cumar Xoor Xoor waxaa kale oo ay la kulmeen Mas’uuliyiinta dekeda Magaalada Dubai waxaana Kulankaas lagu gorfeeyay sidii ay Iskaashi u yeelan lahaayeen Labada Dekedood ee Berbera iyo Dubai .

 

 

 

Hargaysa SDN.