|

“Weligay Waan Garanayey Inuu Putin aad u Caqli Badan Yahay” Madaxweynaha La Doortay ee Maraykanka oo Ka Muunsooday Talaabo uu Qaaday Dhigiisa Ruushku

Washington 31. December 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha la doortay ee dalkan Maraykanka Donald Trump ayaa ku ammaanay madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin inaanu ka falcelinin tallaabooyinkii uu qaaday Madaxweyne Obama ee ku aaddanaa cunaqabatayn uu ku soo rogay dalka Ruushka maalinimadii Khamiista.

 

Cunaqabataynadan ayaa Obama ku sababeeyey inay ahayd, farogelintii ay hay’adaha sirdoonka Ruushku ku sameeyeen doorashooyinkii Maraykanka ee sannadkan.

 

Madaxweyne Trump ayaa boggiisa Twitterka soo dhigay “Waxay ahayd tallaabo wanaagsan dib u dhigistu” isaga oo sii raaciyey “weligay waan garanayey inuu Putin aad u caqli badan yahay”.

 

Putin ayaa sheegay inaanay wax dhibaato ah u geysanayn Diplomaasiyiinta Maraykanka isla markaana aanay cidna eryayn.

Comments are closed