|

Weriye Cabdiqaadir Maxamed Ciid( Bay) Oo Saaka Ku Geeriyooday Cusbataalka Weyn Ee Magaalada Hargeisa

Hargaysa — Weriye Cabdiqaadir Maxamed Ciid Bay Oo Ka Mid ahaa Wariyasha Ruucadaaga Ee Somaliland Isla Markaana Ka Hawl Gali Jiray Shabakada Hadhwanaagnews  Ayaa Saaka Ku Geeriyooday Cusbataalka Weyn Ee Magaalada Hargeisa.

Alla haw naxariistee waxa saaka abaaro 4:30 subaxnimo magaalada hargeysa ku geeriyooday marxun Wariye Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Bay)oo ahaa foollaadka hore ee saxaafada Somaliland,

sidoo kalena waxa uu ahaa qoraa wayn Oo Ka Mid ahaa Khasiyaadka Qoraladiisa Lagu Nasto Laguna Raaxaysto Waxana Uu Ahaa Wariye Ku Suntan Dhaxdhaadnimada Iyo Ka Hadalka Hormarka Nolasha  .Waxaana marxunkan oo in muddo ah xanuun u u jiifa gurigiisa uu saaka ku aroortii hore ku geeriyooday magaalada hargeysa Waxa. Waxaana la filaya in marxuunka la aaso laguna tukaddo salaada duhur.

Maamulka iyo shaqaalaha shabakada Qurbejoog.com Waxay Dhamaantood tacsi tiiraanyo leh u dirayaan eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo waliba bahwaynta saxaafada somaliland ee uu ka baxay marxuun saxafi Cabdiqaadi Maxamed CIid(Bay).

Comments are closed