Socdaalka Xubnahan ayaa yimid kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wada hadaladii u dhexeeyay Col, Barre Hiiraale ee Kismaayo ka socday ay guul-daraysteen.
Suldaan Maxamed Bashiir Madoobe Yarrow oo kamid ah Salaadiinta Jubbooyinka kana mid ah xubnaha wafdiga ayaa xidhiidh dhaw la leh Col, Barre Hiiraale oo isagu ku sugan duleedka degmada Kismaayo.
Lama oga wuxuu kusoo kordhin doono socdaalka xubnahan uu hoggaaminayo Col, Warfaa Sheekh Aaden xaaladaha siyaasadeed ee ka jira Jubbooyinka kuwaasoo maalmihii lasoo dhaafay uu ka jira is-mari waa.
Khilaafka ka dhexeeya Kornayl Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe ayaa meel fog gaadhay, waxana taas maaro u waayey Ra’isal wasaare Cabdiweli oo wali halkaas jooga.