Uncategorized

Xaalada Magaalada Marka oo Kacsan Kadib Markii Ciidanka AMISOM ay ku Dileen Dad rayid ah

Marka 24.Oct 2014 (SDN/QJ)- Ciidanka Uganda ee qaybta ka ah ciidanka nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya ee Midawga Afrika ee AMISOM,ayaa la sheegay in ay  dad waayeel ah oo ka mid ah wax garadka magaalada Marka in ay si badheedh ah ugu toogteen magaalada Marka.

Dadka ay toogashada ku dileen ciidanka Yugandha ayaa la sheegay in ay ahaayeen dhamaan tood dad waayeel ah oo aan waxba galabsan isal markaana ka shaqeeya arrimaha bulshda oo ay ka mid yihiin madax dhaqameed,macalimiin iyo dhakhaatiir.

Wiil uu dhalay  mid ka mid ah odayaasha  wax garadka ah ee ciidanka Uganda ee qaybta  ka ah AMISOM ay ku dileen  magaalada Marka,ayaa idaacadda bbc-da laanteeda afka Soomaaliga u sheegay in aabbihii oo lagu magabacaabi jiray Maxamed Cabdi xuseen iyo wax garad kale oo ay ka mid yihiin  Cabdi Carraale Afrax iyo Cali Cismaan in ay si badheedh ah u toogteen markii ay salaadda ka soo bexeen.

Waxaanu wiilka la dilay aabbihii uu xaqiijiyay in si badheedh ah ciidanka Ugandha ay u togteen wax garakan oo dhamaan tood wada geeriyday.

Illaa imika hoggaanka sare ee AMISOM kamay hadal dadkan rayidka ah ee ay ciidankoogu togashada ku dileen iyagoo aan hubaysnayn.

Kamanay hadal dawladda Soomaaliya dilka ciidanka AMISOM kula kacay qaar ka mid ah wax-garadkii bulshada deegaanka magaalada Marka oo wiilka aabbihii ku jiray dadka  ciidanka Uganda toogashada ku dileen in ugu yaraan 8 qof oo  dhamaantood wada ah rag waayeel ah oo ka mid ah wax garaka bulshada reer Marka in magaalada si badheedh ah  ay ciidanka AMISOM  toogasho ugu dileen oo dhamaantood wada dhintay.

Marka SDN/QJ

contact@qurbejoog.com