|

Xaalada Tukaraq Oo Cakiran,Labada Ciidan ee Somaliland Iyo Kuwa Punt land oo Kaabiga isu Saaran & Shacabkii Ku Noolaa Oo Ka Qaxay Deeganada Qaar DAAWO

Tuko-raq 16. January 2018 (SDN/QJ):-Telefishanka Bulsho ayaa baahiyey War ku Saabsan in Deegaanka Degmadda Tuko-raq ee Gobolka Sool uu ka Socdo dhaq dhaqaaq Ciidan oo u dhexeeya Ciidamadda Somaliland iyo Kuwa Maamul Goboleedka Punt land oo Masaafo kooban isu jira.

Telefishanka oo Khadka Telefoonka ku waraystay Siyaasi lagu Magacaabo Mursal Boocame ayuu ku sheegay in Jiida deegaanka Degmadda Tuko-raq ay ka socoto barakac la soo dersay dadkii ku noolaa degmadaas oo ka baqo qaba dagaal mar kale deegaankaasi ku dhex mara Ciidanka qaranka Somaliland iyo Kuwa taabacsan Maamul Goboleedka Punt land Waxaanu intaas ku daray in deegaanka uu hada ku sugan yahay ee degmadda Boocame ay soo gaadheen dad ka soo qaxay Tuko raq.

Comments are closed