|

Xaaladda Baladweyne oo degan iyo Bandow ka dhaqan galay Magaalada

Baladweyne January Dec 1, 2011(qurbejoog.com) Waxaa lagu soo waramayaa inay dagantahay xaaladda Magaalada Baladweyne kadib dagaal xoogan oo shalay halkaasi uu ku dhexmaray Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, Ethiopia oo dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab.

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xaaladda Magaalada ay tahay mid dagan islamarkaana Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ay fariisimooyin farabadan ka sameysteen Magaaladaasi.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ayaa lasoo warinayaa in saakay ay gaaf wareegayaan Magaalada iyagoo baaritaano kawada halkaasi, waxaana Ciidamada Ethiopian-ka ah la tilmaamay inay wateen gawaari farabadan oo u badan taangiyo.

Dhinaca kale Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG ah ayaa la sheegay in xalay Bandow ay kusoo rogeen Magaalada Baladweyne islamarkaana uu dhaqan galay Bandowgaasi.

Isu socodka gaadiidka iyo dadka ayaa wali xayiran, waxaana Magaalada guud ahaan ay noqotay mid cidlo ah oo kaliya ay isku sugan yihiin dhinacyadii halkaasi dagaalka ku qaaday.

Inka badan 10-ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badanna way ku dhawacmeen kuwaasi oo ahaa dhinacyadii dagaalamay, iyadoo ay xusid mudantahay in xaaladda Magaaladaasi wali cago wanaagsan aysan ku taagneyn.

 Wixii kusoo kordhaa Xaaladda Baladweyne kala soco  Somalidiasporanews.com

 

Qurbejoog-Beledweyne

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed