|

Kenya: Xubno ka tirsan Al Shabaab oo ka yimid Kismaayo ayaa soo gaaray dalka

Nairobi  Jan 01 2012(qurbejoog.com)- Kenya ayaa waxa ay sheegtay in dagaalyahanno farabadan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ay gudaha usoo galeen Kenya.

Afhayeenka Ciidamada booliska ee dowladda Kenya Eric Karatha ayaa waxa uu sheegay in Xubno badan oo ka tirsanaa Al Shabaab ay usoo talaabeen gudaha wadanka Kenya, isagoo tilmaamay in loo baahanyahay in Ciidamada booliska ay ka hortagaan kooxahaasi.

Eric ayaa sheegay in ilaa 15-Xubin oo ka tirsan Al Shabaab ay soo galeen Kenya, wuxuuna tilmaamay in dadkaasi gabi ahaantooduba laga soo diray Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose si ay qaraxyo ugu fuliyaan Magaalooyinka waa waym ee dalkaasi.

Ciidamada booliska ayaa lagu amray inay xaqiijiyaan ammaanka Magaalooyinka Kenya, waxaana la tilmaamay in booliska ay la socdaan dhaq dhaqaaq halkaasi ay ka wadaan dadka Soomaalida iyo kuwa kale ee Kenyan-ka ah.

Shalay ayaa booliska Kenya waxaa uu sheegay inay xaqiijinayaan ammaanka Kenya maadaama la galayo Sanadka cusub ee 2012-ka.

Marar badan ayaa dowladda Kenya waxa ay sheegtay inay xaqiijinayso ammaanka dalka Kenya islamarkaana ay jiraan dhalinyaro fabadan oo Kenyan ah  iyo kuwa kale oo AL Shabaab ah oo doonaya inay falal ammaan dari ah ka gaystaan dalkaasi.

Qurbejoog-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed