Uncategorized

Fadhigii Golaha Wasiirrada oo Qaadhaan Loogu Ururiyey Ololaha KULMIYE Iyo Qadarka Lagu Xukumay Wasiir Kasta

Hargeysa Sept 10,2012(SDN)- Xisbiga talada dalka Haya ee KULMIYE ayaa la soo wariyay inay dhaqaalo xumo baahsani soo food saartay xilli lagu gudo jiro marxaladdii soo bandhigida xubnaha murrashaxiinta ee xisbiyadda iyo ururrada siyaasadda ee doorashadda golayaasha  deegaanka dalka oo dhan. Sida ay Wargeyska Hubaal u sheegeen Ilo Xog ogaal ah oo ka gaabsaday in la xuso Toddobaadkii aan kasoo gudubnay, ayaa waxa la sheegay in xaaladda dhaqaale-xumo ee haysata xisbiga KULMIYE ee haya talada dalka lagaga hadlay shirkii Golaha Wasiirrada, waxana fallanqeyn kadib laysla qaatay in xubnaha Golaha Wasiirradu dhinacooda ka bilaabaan qaadhaan ururin iyo xubin kastaa uu bixiyo $500 (shan boqol USD) oo hal mar kaliya ah.

Inkastoo wararkaasi tibaaxayaan, in aanay qaddarka qaadhaanka ah aanay xubnaha Goluhu si dhammeystiran u wada bixin, haddana wararkani isku geynta qaadhaankoodii ayaa sida wararkani sheegeen isku noqday ilaa $35,000 (shan iyo soddon kun kaliya USD) taasoo marka la qiyaaso kharashka ololaha ee Gobollada min bari ilaa galbeed aan dabooli karin 1/3 (saddex meelood, meel ahaan).

Durufahan dhaqaale iyo arrimaha kale ee ku dheraran siyaasadaha uu xisbal xaakinku waqtigan aan joogno ku hago dalka, ayaa sababay inuu xisbigu si dhammeystiran ku soo bandhigo Musharraxiintiisa Golayaasha Degaanka uga tartamai doona doorashooyinka soo fool leh.

Gobollada iyo Degmooyinka aanu ilaa hadda kusoo bandhigin Musharraxiinta looga baahan yahay, iyadoo wax yar ka hadhsan yihiin waqtigii ay Komishanka Doorashooyinka Qaranku u cayimeen soo dhammeystirka liiska Musharraxiinta, ayaa waxa ka mid ah Gobollada aanu ilaa hadda aanu wax Musharraxiin ah ku lahayn Gobollada Sool iyo Awdal, iyadoo sidoo kale aanu si dhammeystiran u soo buuxin Musharraxiintii looga baahnaa Gobolka Gabilay iyo Degmada Ceel-Afweyn.

Xisbiga KULMIYE oo ah kii ku guuleystay hoggaaminta dalka 1-dii July, 2010-kii, oo la filayey inuu horsed ka noqdo Axsaabta iyo Ururrada u tartamaya u soo bixitaanka saddexda xisbi qaran ee dalka hoggaamin doona tobanka sanno ee so socda, ayaa sida ka muuqata ay hadheeyeen xaalado dhaqaale-darro oo sababi kara inuu ka gaabiyo kaalintii laga fegayey inuu ka galo tartanka doorashooyinka Golayaasha Degaanka iyo u soo bixitaanka xisbinimo.

Xigasho Jariirada Hubaal