|

Xamar Lagaama Xigo (Inqaasta Yuusuf-Garaad)

yusufgaraadYaa Muqdisho gaadhsiiyay horumarka aan ku soo sheegnay Qeybta Koowaad ee Qormadan?
Jawaabtu waa sahal. Soomaali oo dhan ayaa kalsoonidooda, maalkooda, maskaxdooda iyo muruqooda geliyay. Waxay ka dhigteen raasamaalka mustaqbalkooda. Daaraha ugu dhaadheer waxaa kala lahaa Cabdullaahi Omaar iyo Jirde Xuseen.

Huteellada ugu caansan waxay ahaayeen Guuleed oo uu lahaa Gurguurte, Hotel Weheliye oo uu lahaa Xaashi Weheliye, Maka oo uu lahaa Cali Mahdi, Towqiiq oo uu lahaa Xaaji Yuusuf, Lafweyn oo uu lahaa Xaaji Daa’uud, Hotel Florence iyo Indian Ocean oo uu lahaa Xoosh, oo afkeennu waa isku ammaane’ loo qariyo Xoosh-Kibray.

 

Daaraha laga dukaameysto ee caanka ah waxaa ka mid ahaa daartii Xaaji Ibraahim Uunlaaye ee Café Nazionale iyo Carwada Itko oo ay lahaayeen ilmo Iidle oo ku taallay meel u dhexeysa Laba-Dhagax iyo Baar Ubax.

 

Makhaayadaha laga daba dhacay waxaa ka mid ahaa Jezeera oo uu lahaa Maxamed Jaamac Xarbi, Capuceto Nero oo uu lahaa Cali Maxamud, Xaraf, Baar Wardheer oo uu lahaa Maxamed Cali Dhorre Cagaweyne, Baar Ismaaciil, Mubaarak oo uu lahaa Maaryaa, Jungle, Ming Sing, Maajoor, Abu Kheyr, Baar Liido iyo qaar kale.

 

Soomaalidu in ay magaalada wada leedahay waxyaabaha muujinaya waxaa ka mid ah, magacyada xaafadaha qaarkood. Xaafadda Buulo Eelaay ayaa magaalada ka mid ah. Kax Shiiqaaleed ayaa jirta. Iyo qaar markii dambe soo shaac baxay sida jiiro Wacbuudhan.

 

Xataa qowmiyado kale raadkood ayaa ka muuqda magaalada oo muujinaya in dhismaheeda iyo horumarkeeda ay gacan ka geysteen. Ceel Hindi, Buur Hindi, Kaambo Amxaaro iyo Bilaajo Carab ayaa intuba ka mid ah xaafadaha Muqdisho. Inkasta oo saddexda jaaliyadood ee Hindida, Amxaarada iyo Carabta ay saddexduba ku milmeen Soomaalida, haystaanna dhalashada Soomaalida. Haba ugu badato Jaaliyadda Carabta oo dhinac walba oo horumarka dalka ah ka qeyb qaadatay xagga fanka, xag ciidan, xag ganacsi, xag waxbarasho, xag wax soo saarka tacabka beeraha, xag diblomaasi iyo xagga siyaasadda hoggaanka dalka.

 

Markii aan ardeyga ka ahaa Dugsiga Dhexe ee Maxamuud Xarbi, waxaa fasalkeyga booqasho waxbarasho loo geeyay Matxafka Qaranka. Waxyaabaha aan ku soo arkay waxaa ka mid ahaa sariirtii Siciid-Barqash, oo u dhashay Cummaan, uu ku seexan jiray markii uu Muqdisho ka talinayay.

 

Waxay ahayd sannadkii 1948 markii Soomaali ka timid waxa loo yaqaan shanta Gobol ee Soomaaliyeed ay shir ku yeesheen Muqdisho oo ay kula kulmeen beesha caalamka si looga arrinsado, xilliga ay Gobannimo qaadaneyso Soomaaliya iyo dowladda gaarsiin doonta. Hey’adda hadda loo yaqaan Qaramada Midoobay waxay markaas jirtay 3 sano.

 

Ilaa berigaas, Soomaali shaki kama gelin caasimaddeedu magaalada ay tahay, kumana caasin. Muqdisho iyaduna dhankeeda ma gabin Soomaalidii hoyga ka dhigatay. Shanta Soomaaliyeed midduu doono ha ka soo jeedo, qofka Soomaaliga ah ee Muqdisho yimaada cid dhulka u sheegan jirtay ma jirin. Cid ku qabyaaladeyn kartayna haba sheegin. Marnaba ma ahayn qof reer u marti ah.

 

Dhibtu kama horreyn dagaalka sokeeye kuleylkiisu markuu soo gaaray Muqdisho 1989 ee ay billaabatay in dad guryaha lagala baxo, in subaxii lagu soo tooso meyd dariiqa yaalla, in baabuurta la dhaco, in laga wardoono dowlad la’aani waxa ay tahay.

 

Hadda oo lagu jiro 2014, ayaa waxay dadka qaar dood ka qabaan in dastuurka Soomaaliya ay ku qornaato in caasimadda Soomaaliya ay tahay Muqdisho. Arrintaasi waxay astaan iigu tahay kala shakiga iyo kala aammin baxa uu dagaalka sokeeye ku abuuray Soomaalida. Waan ogahaya Soomaali oo dhami ma qabto, laakiin haddii qaar ka mid ah oo weliba madax ahi ay qabaan, isla markaasna aanay la gabbanayn waa wax u baahan in la faaqido.

Haddii 1948 ay shanta Soomaaliyeed isla oggoleyd caasimad ahaanta Muqdisho (eeg Qormada Labaad ee Xamar Lagaama Xigo), maxaa maanta dood geliyay? Waxa ii soo baxay, wax laga yaabo in dadka reer Muqdisho qaarkood aanay dareemi karin, qaar kalena ay isku deyayaan in ay is illowsiiyaan.

Markii ay qabtu ka dhacday Muqdisho 1991, magaalada waxaa u haray mid ka mid ah shanta beelood ee Soomaalidu ay hadda wax ku qeybsato. Sida degmo kasta oo dalka ka mid ah ka dhacday 1991, markii ay dowladdu burburtay waxaa dhismayaashii dowladda oo dhan oo ay ku jirto Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Soomaaliya), waxaa gacanta ku dhigay malliishiyo hubeysan oo ka soo jeedda mid ka mid ah beelaha shanta ah. Waxaa kale oo dad hubeysan oo isla beeshaas ahi ay qabsadeen guryo laga qaxay amaba dadkii lahaa lagu dhex dilay. Gaadiid kama hadlayo isaga wakhtiga dheer ee ka soo wareegay dartiis. Beeraha sidoo kale waa la kala dhacay.

Waan maqlay in dad qiimo leh oo ay ka mid yihiin Cabdi Dheere iyo General Cabdi Kaahiye ay badbaadiyeen Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo faylasheedii iyo Dugsiga Booliiska ee Xamar Jajab.

Inkasta oo hanti la isu celiyay ay jirto, haddana ma arag dowlad hanti isu celinta siisay mudnaanta ay leedahay. Dadka guryahooda la haysto qaar badan oo ka mid ah, waxay arrintaasi ku tahay utun ku guntan qalbigooda.

Waxaana weliba laga yaabaa in gurigaasi soo xusuusiyo qof ama ka badan lagu dilay maalintii la qabsanayay. Godobtaas waxay dadka qaar u tirinayaan, hal beel, oo ah midda ay magaaladu gacantooda soo gashay.

Nin saaxiibkeey ah oo London aan wada joognay, mar kasta oo aan doodno wuxuu hadalka ku soo daraa – “ma ogtahay aniga walaasheey in Muqdisho lagu dilay 1991 iyada oo gurigeeda joogta?” Ninkaas oo markii dambe la shaqeeyay Villa Somalia, xataa wuu illoobaa inta goor ee uu ii sheegay. Allaha u naxariisto gabadhaas, waa xanuun ay la nool yihiin qoyskii ay ka baxday iyo saaxiibbadeed. Waxay ka mid tahay kumanyaalka lagu dilay Muqdisho. Waxayse tusaale u tahay in qof kasta oo la dilay uu xanuun ku yahay ehelkiisa nool iyo saaxiibbadiis.

Dadka godobtaas tirsanaya, ee qaba in hanti ma guurta ah laga haysto, in dad laga dilay, in gabdha laga kufsaday, waxaa intaa u dheer in maanta maamulka Muqdisho oo ah mid aan doorasho ku imaan, ay u arkaan in haddana jagooyinka laga safay dad ka soo jeeda isla beesha ay dadka qaar u tirinayaan dulmigii ka dhacay caasimadda 1991.

Muqdisho waxaa u madax ah Duqa Caasimadda iyo Guddoomiyayaasha 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir (oo hadda Muqdisho keliya ah). Duqa Magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyayaasha 16 ka mid ah 17-ka Degmo ee caasimaddu ay ka kooban tahay waa isku beel.

Waxaa iyaguna isla beeshaas ka soo jeeda, Taliyayaasha Aminga gobolka, Booliis iyo Nabad Sugid.

Sidoo kale, Madaxda Waaxda Baarista Dembiyada (CID) iyo Waaxda Socdaalka (Immigration), oo Muqdisho uun ka hawlgala.

Maareeyayaasha Dekedda iyo Madaxa Gegida Dayaaradaha ku dar. Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Qormada soo socota ee Xamar Lagaama Xigo waxaan ku eegi doonaa doodda ah “tayda anigaa leh, taadana kula lihi.”

 

Comments are closed