|

Xannuun Cusub Oo Aan Talaal Iyo Daawo Lahayn Oo Ku Faafay Laatiin Ameerika Iyo Qallinkii Suxufi Cabdilaahi Wayab

Hargaysa 5. February,2016(SDN/QJ):– Waxa dalalka Laatiin Ameerika iyo kuwa ku yaal Jasaa’irka Karabbiinka haleelay FEYRAS[Virus] loo yaqaan ZIKA oo la ogaaday inay ka qaadeen qaniiyada Kaneecada ku nool jiidaha kullaylaha.

ZIKA Virus
Feyraskan ZIKA oo aan weli tallaal iyo daweyn rasmiya midna loo helay waxa ay waxyeeladiisa oo aad u culus ku kooban tahay dumarka oo kaliya, iyadoo uu haweenay kasta oo uur yeelata ay dhicinayso ama ay dhalayso ilmo aan u dhammaan maskax ahaan sida kuwa caadiga ah. Feyraskan waxa dunida markii ugu horreysay lagu arkay dalka Ugaandha 1947kii, waxaana laga helay Daayeerka, magaca Feyraskan ZIKA-na waxa uu ka yimid oo laga soo qaatay keyn la yidhaa [ZIKA FOREST] oo ku taal dalka Ugaandha oo ahayd goobtii ay ku noolaayeen daayeerradu

Mar labaadkii oo ahayd 1977-78kii waxa laga helay oo uu ku faafay Feyraskani dalalka Baakistaan, Maleesiya iyo Indooniisiya. Dalka Baraasiil ayaa 2014kii laga helay dumar uur leh oo uu haleelay Feraskani, isla markaana ay ka qaadeen qaniinyada Kaneecada ku nool meelaha kulaylaha ee loo yaqaan Aedes. Bishii Oktoobar ee 2015kii oo kaliya laga helay dalka Baraasiil tirada ilmaha ku jiray caloosha hooyadood ee qaaday Feyraska ZIKA inay ahaayeen saddex kun iyo shan boqol oo Ilmood. Kuwaas oo inta ilmaha dhiciska ku dhasha mooyee inta kalena ay dhalayaan iyagoo maskax ahaan dhiman oo iyana daweyn lagu haynayo[Cilaaj] tan iyo intay ka dhimanayaan.

 

Feyraskan halista ku ah taranka bani’aadanka, ayaa hadda waxa durba raadadkiisa laga helay haween kooban oo ku kala nool qaar ka mid ah dalalka Yurub ee ka baxsan kuwa uu aafeeyey, waxanu sidoo kale gaadhay Gobollo ka mida Waqooyiga Ameerika [USA], waxana laga welwelsan yahay oo kale inuu u tallaabo qaaradda Aasiya. Tirada dalalka uu sida ba’an ugu faafay Feyraskani oo dhan 22 dal oo ku kala yaal Koonfurta iyo Waqooyiga Ameerika iyo Karabbiinka, ayey durba dalal badan oo ka mid ah kuwa aanu weli gaadhin Feyraskani uga digeen dadkooda, in gebi ahaanba u safraan haweenka uurka lihi amase ay uur kusoo qaadeen iyagoo ku sugan dalalkaasi. Waxa dalalka kale ee laga digay iyana ka mida kuwa ku yaal dhulka kulaylaha sida Cape Verde oo ah jasiirad ku taal xeebaha galbeedka Afrika iyo Samoa oo ku beegan dhinaca xeebaha Koonfureed ee Badweynta Baasifiga. Sidoo kale waxa ay iyana ku taliyeen dadkooda dalalka uu saameeyey Feyraskani, inay dadka isqabaa dawooyin isticmaalaan si aanay haweenku u uuraysan muddada la helayo tallaalka ama daaweynta Feyraskan oo sida ay Ururrada Caafimaadka qaarkood sheegeen uu qaadan karo ugu Yaraan laba sanno ilaa shan sanno.

 

Dhinaca galmada ayaa sida ay daboolka ka qaadeen qaar ka tirsan Culimada Caafimaadka ee dalalka Baraasiil, Salvador iyo Colombia aan boqolkiiba sideetan lagu kala qaadin ilaa haatan xaaladaha baadhitaanka lagu sameeyey. Haddaba Feyraskan oo si baaxad leh looga cabsi qabo inuu dunida wada aafeeyo, ayaa waxa waajib ku ah guud ahaan bahda Culimada Caafimaadka, gaar ahaana Wasaaradda Caafimaadka, inay la socdaan dhaqdhaqaaqa uu ka sameeyo dunida Feyraskani, si ay digniin hore u siiyaan bulshadooda, isla markaana ay ka bixiyaan wixii talooyin ah ee waxtar uga noqon kara bulshadeena, maadaama uu feyraskani yahay mid halis gelinaya taranka bani’aadmiga.

 

Inkastoo aanu xanuun markaaba la dhicin qofka uu asiibo, ayaa haddana waxa ka mid ah astaamaha lagu garto Xummad, cuncun, kala goysyada xubnaha iyo indho cascas, waxanu ilmaha ku dhashaa noqonayaa mid madaxiisu ka yar yahay ka dhiggiisa ah, caqli ahaan aan koreynba.

Comments are closed