|

Xarumo Daacish oo duqeyn lagu burburiyay

Bossaso January 26, 2023 (QJ) – Warar ka imanaya Gobolka Barina waxa ay sheegayaan in duqeymo ay ka geysteen duyuuradaha droneska in lagu beegsaday goobo la sheegtay in ay ku dhuumaaleysanayeen dagaal yahano ka tirsan kooxda Daacish.

Duqeymada oo shalay iyo maantaba ka dhacay Calmiskaad ayay saraakiil u hadashay Puntlanad waxa ay sheegeen in lagu burburiyay xarumo ciidan oo halka ay ku lahaayeen kooxda Daacish.

Warbaahintana waxa ay sheegtay in weerarkan in ay iska kaashadeen ciidamada amniga Puntland iyo kuwa saaxiibada caalemiga ah.

Comments are closed