|

Garaad Maxamed Garaad Abshir oo Laascaano gaaray

Laascaanood January 26, 2023 (QJ) -Waxa manta magaalada Laascaanood lagu soo dhaweeyay Garaad Maxamed Garaad Abshir Garaadka ayaa halka u gaaray ka qeybgalka shirka ayaao ka tashiga beesha SSC oo lagu wado in maalmaha soo socda uu halka ka furmo.
Geesta kalena Ciidamadi Soomaliland ee xarumaha ku lahaa magaalada Yube ee Gobolka Sanaag ayaa la sheegtay in ay ay halka uga ruqaasadeen aaga Laascaanood, saxaafada maxaliga ah ayaa tabineysay in la arkayay ciidamda oo xarumahoodii ka baxaya isla markaana u jiheystay aaga sool.

Sidoo kalena waxa manta saxaafada kula hadlay degaanka Tukaraq, taliyihii ciidamda Pooliska agaa oo sheegtay in uu ku biiray kacdoonka degaanka. Taliyaha ayaa sheegtay in uu qaatay mowqifka dadka degaanka ee ah in Somaliland ka Baxdo dhilka SSC.

Comments are closed