|

Xarunta Hay’ada Unicef ay Dhismaheeda ka Hirgalisay Caasimada Hargaysa oo Xadhiga laga Jaray

Hargaysa 31.October 2013 (SDN)-Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) ayaa si rasmiya xadhiga uga jaray dhismaha xarunta hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta waxbarashada caruurta ee magaceeda loo soo gaabiyo UNICEF taasi oo laga yagleelay caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane Saylici oo furay xaruuntaasi kana hadlay ayaa uga mahad celiyay hay’adda Unicef adeegyada horumarineed ee ay ka gaystaan guud-ahaan somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici)  Madaxwayne ku xigeenka Somaliland waxaa uu si faahfaahsan uga waramay mashaariicaha kala duwan ee ay hay’adda unicef ka fuliso Somaliland kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo adeegyo kale gebegabadii waxa uu Madaxwayne ku xigeenku ugu baaqay guud ahaan hay’daha qaramada midoobay in ay sii libin-laabaan deeqaha ay siiyaan Somaliland.

Wasiirka qorshaynta qaranka somaliland Dr. sacad cali shire oo isaguna madashaasi ka hadlay ayaa daboolka ka qaaday in uu goobjoog ahaa maalintii la dhagax-dhigay.

SIKANDER oo ku hadlaayay magaca unicef ayaa sheegay in somaliland shaqadooda ay ka bilaabeen sanadkii 1972 kii munaasibadaasi ayaa waxaa kala qaybgalay madaxwayne ku xigeenka xubno ka tirsan golaha wasiirada Somaliland  iyo madax kale oo ka socotay hay’adaha jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ee qaramada midoobay.

Say8 Say7 Say5 Say4 Say2 say6 say1 say

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed