|

Xasan Oo Hoggaaminaya Masuuliyiin Somaliyeed Oo Sanadkan Xajka Gudanaysa

Maka:Oct,01,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo saraakiil sare oo xukuumaddiisa katirsan ayaa  kamid noqday  Xujaajta Sanadkan Gudanaysa Waajibaadka Xajka.

xujayMadaxweyne Xasan  iyo Waftiga uu Hoggaaminayo oo dalka Sucuudiga ku tegay Casuumad ay heleen, ayaa  Go’aansaday inay Xajka Gutaan, maadaama xilli Muslimiin Badani ay waajibaadkaas Gudanayso ay casuumad ka Heleen Boqortooyada Sucuudiga.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka Diyaarada ku sii dhaweeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Pro. Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan.

Madaxda Safarkan ku waheliya Madaxweynaha ayaa ka mid ah Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaal Ridwaan Xirsi Maxamed, waxayna soo gudan doonaan Waa-jibaadka Xajka iyagoona ku la bisnaa isla  shalayba dharka xujayda ee caddaanka ah.

Xasan Sheekh ayaa  waajibaadka xajka la Gudanaya Masuuliyiin iyo dadka kale oo Somali ah, kuwaas oo daafaha kala duwan ee Duniga ka Yimi, waxana la filayaa inuu xajka Kadib kulamo la yeesho Masuuliyiinta Ugu sarraysa Dalkaas Sucuudiga   oo Iyagu Haatan Casuumay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed