|

Wardegdega;Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka UCID oo laga horjoogsaday Gobolka Gabiley si ay ugu soo dhaweyaan tagerayaal cusub iyo qoraalkii oo nuqul na soo gadhay iyo xisbiga ucid oo canbaryey

Hargaysa 1Oct14(SDN/QJ) Gudoomiyaha Golaha Deeganka Degmada Gabiley Shuceyb Maxamed Muuse ayaa joojiyey xaflad tageerayaal xisbiga ucid lagu soo dhawaynay qoralkan oo nuqul ka mida soo gadhay shabakada qurbejoog oo uu soo gadhsiyiey xoghayaha warfaafina yusuf kayse ayaa u qorna sida tan.

Ujeedo/Canbaareyn Iyo Shaci_Jabin

Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka UCID Waxaa Soo Gaadhey Warqad Sharci_Jabin Ah Oo Uu Qorey Gudoomiyaha Golaha Deeganka Degmada Gabiley Shuceyb Maxamed Muuse

Warqadaas Oo u Qorey Ciidanka Nabad_galyada  Isla Markaana Ku Joojinaya Xafladii Balaadhan Oo Taageerayaal Cusubi Ku Soo Biirayaan Xisbiga Ucid

Waxaa Kale oo uu Wareegto Amar ah Siiyey Hudheelada Gabiley Oo Uu Leeyahey Xaflad Xisbiga Ucid Ah Kuma Qaban Kartaan Hudheeladiina (CajiiiiiiiiiiiiiB)

Maaha Markii Koobaad Ee mayorku Hor Istaago Xaflad  Xisbiga Ucid Qabsanayey ee Wiigan Gudihiisa Ayuu Awood Ciidan Ku Joojiyey Xafladan Isla Markaana u xidhey ibraahim axmed sangal oo ahaa ku simaha xisbiga ucid ee gobolka gabiley

Waxaanu Shacbiga S/land u Sheegaynaa In Dastuurkii Iyo Xeerarkii Dalkaba ay Laabeen Xukuumadani isla markaana u soo banbaxeen in shacbiga s/land awood ciidan ku daadiyaan  Dhiigooda

Waxaan u Cadeyneynaa In Aanaan ka Joogsansan Doonin Xuquuqda Iyo Wajibaadka Dastuurku Nasiiyey Xafladuna Dhici Doonto Wixii Khasaare Ah e ka dhashana Tunka Ku Qaadan Doonaan Moyorka Iyo Cida Ka Danbeysa Ee Amarka Soo Siinaysa.

halkan ka aqriso qoraalkii Gudoomiyaha golaha deeganka Gabilay.

 

 

Comments are closed