Stanbul:Jan,16,2015(SDN/QJ)-Saraakiil sare oo katirsan Dalka Turkiga ayaa shaaciyey xilliga rasmiga ah ee uu madaxweyne Recep Tayyip Erdogan booqashada ku tegi doono Somalia, taas oo ku beegan horraanta sanadka cusub ee aynu ku jirno.
Madaxweyne Erdogan ayaa Bishan gudaheeda soo gaadhi doona Muqdisho waxa uuna sida la shaaciyay la kulmi doonaa Madaxweynaha Dalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo ka wada hadli doona xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhexeeysa Soomaaliya iyo Turkiga.
Si rasmi ah maalinta booqashada looma carabaabin sababo jira awgood, balse bishan dabayaaqadeeda ayey sheegeen saraakiisha Turkiga ahi in uu Madaxweyne Erdogan tegayo Muqdisho oo ah magaalo si weyn looga jecel yahay.
Shaqaalaha gargaarka ah ee Turkiga iyo kuwa mutadawaciinta ah ayaa shaqooyin kale duwan ka haya magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya dib u dhiska Soomaaliya, Madaxweynaha Turkiga waxa uu sidoo kale booqan doonaa 12 dalka oo Afrika ka tirsan oo ay ka mid yihiin Tanzania, Ethiopia, Soomaaliya iyo kuwo kale.
Madaxweyne Erdogan ayaa booqday Soomaaliya sanadkii 2011kii xilligaas oo uu ahaa Ra’isulwasaare iyadoo Booqashadiisii ay indhaha caalamka ku soo jeedisay Soomaaliya waqtigaas oo inta badan gobolada koonfureed ee Soomaaliya ay ka jirtay abaar baahsan oo ay ku naafwaayeen Dad iyo xoolo tiro badani.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
