|

Xassan Sheekh Maxamuud oo Digniin u diray Musharaxiinta Xilka Madaxwayne Soomaaliya u Sharaxan DHAGAYSO

Muqdisho 13.Sep 2016 (SDN/QJ):-Madaxwaynaha dawlada federalka Soomaaliya mudane Xassan Shiikh Maxamuud ayaa digniin adag u diray siyaasiinta Soomaaliyeed taas oo ku saabsan ololahooda musharaxnimo.

Xassan Shiikh Maxamuud ayaa ugu baaqay musharaxiinta doonaya inay qabtaan xilka madaxwayne ee Soomaaliya inaysan dalka iyo dawlada Caayin balse ay la yimaadaan siyaasadooda iyo waxqabadkooda.

Madaxwaynaha ayaa dhankale wuxuu fariin u diray shacabka Soomaaliyeed isagoo ugu baaqay in laga shaqeeyo hormarka iyo guusha ay dawlada gaartay sidoo kalena wuuxuu soo hadal qaaday in laga doonayo waxgaradka Soomaaliyeed inaysan ku hadlin hadalo cadowga dhiiri galinaya.

Gaba gabadii madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud ayaa warbaahinta Soomaaliyeed ka codsaday inay dadka dhagahooda ay ku shubaan wax wanaagsan muuqaalka wanaagsan ay tusaan dadka Soomaaliyeed.

Comments are closed