Uncategorized

Goobtii uu Wasiir Samaale Shalay Ka Dhacadiidsaday Madashii Kulmiye Oo Sawir Buuxa Ka Bixisay Hankiisa Dambe

Hargeysa:28-Oct-2013 (SDN)- Shirkii maalintii shalay ka dhacay madaxtooyada somaliland ee uu madaxweyne Siilaanyo kula shirayey Guddida loo saaray Qabanqaabada shirweynaha xisbiga ee Dhammaadka sannadkan dhici doona, ayaa laga dhex arkayey loollanka adag ee uu wasiir samaale kula jiro Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi.

samaaleShirkan oo dhacay Hoolka Cusub ee madaxtooyadu dhawaan dhisatay, ayaa uu Wasiir Samaale si cad u Beegsaday Kursiga ku xiga Madaxweyne Siilaanyo Oo Nidaam ahaan ay Habboonayd inuu Guddoomiye Muuse Dhacadiidsado, maadaama oo uu isagu Haatan Hayo Kursiga ugu sarreeya ee Xisbiga, halka uu Madaxweyne Siilaanyo-na ka Hayo Kursiga ugu sarreeya Qaranka.

Samaale oo isagu ku soo qaddimay Shirka, ayaa goor horeb u baxay Kursiga Madaxweynaha ay saaxiibka gaarka ah yihiin, waxxana uu Guud ahaanba ka Dul tallaabsaday Hab-maamuuskii shirka, waxana Guddoomkiye Muuse Markii uu Goobta soo gaadhay uu iska Fadhiistay Kursiga ku xiga madaxweyne-ku-xigeenka, iyadoo la Arkayey Muuse Biixi oo aan ku farxin goobta uu samaale shirka ka fadhiistay.

Wasiir Samaale oo caanku ah marka uu joogo Goobaha uu madaxweynuhu joogo inuu Garabkiisa cidhiidhsado, Haddii la taagan yahayna uu is Garabtaago, ayaa Dareen Togan ka qaatay Wajiga Muuse, waxana uu isku qanciyey inuu arrinta Kaga baxo Hambalyeyn iyo Bogaadin uu u jeediyo Guddida Qabanqaabada shirka oo uu inteeda badan gacanta ku haysto Guddoomiye Muuse Biixi.

Markii uu Wasiir samaale Hadalka u baxay, isalmarkaana uu hambalyeynayey Guddida qaban qaabada shirka, ayaa waxa la arkayey Guddoomiye Muuse oo dareen gaar ka bixinaya Hadalka Samaale, balse kuma uu soo hadal qaadin Hadalkiisii uu halkaas ka jeediyey oo u badnaa Hanjabaad uu xisbiyada kale u diray iyo Bushaaro uu madaxweynaha ugu bushaareeyey inaanu tacabkii uu Toban sano ka hor beeray khasaarin oo uu midho dhalay.

Wasiir Samaale oo warar hoose sheegayeen inuu si aad ah uga cadhooday Hannaanka uu Guddoomiye Muuse Kaligii u magacaabay Guddida Qaban qaabada shirka xisbiga, isla markaana isku arkayey nin lagaga faa’iidaystay Xajkii uu ku maqnaa, ayaa shalay haddana afkiisa ka sheegay inuu Guddidan kalsooni badan ku qabo.

Goobta uu Wasiir Samaale ka fadhiistay miidaankii la iskugu yimi, ayaa muujinaysa inuu Doonayo inuu isku muujiyo sida uu iskugu kalsoon yahay, islamarkaana uu Taageerada uga Haysto madaxweyne Siilaanyo oo lagu xanto inuu la doonayo Hoggaanka sare ee Dalka, waxana ay taasi Guddoomiye Muuse ku abuuraysaa inuu sii dheereyasto Xawaarihiisa Olole ee uu la tegayo madasha lagu kala bixi doono Dhammaadka sanadankan aynu haatan ku jiro ee sii galbanay.

 

S.D.N

 

Contact@somalidiasporanews.com