|

Xildhibaan ka Tirsan Golaha Guurtida iyo Haweenay ku Geeriyooday Dooxa Lafa ruug iyo Khasaare galabta ka dhacay Dooxaas

Hargaysa 30 March (SDN)  Xildhibaan Aadan Shire Faarax (Aadan San-weyne) oo ka tirsanaa Mudanayasha Golaha Guurtida ayaa lagu soo waramaya Galabta Daad ku qaaday Dooxa Lafa ruug ee Gobolka Saaxil isagoo u safrayay dhinaca Burco.

Sida uu ku Shabakada Qurbejoog.Com u Xaqiijiyay Weriye  Mukhtaar C.raxmaan Maxamud oo Goob joog ahaa Markii gaadhigan uu dooxu qaaday ayaa Xusay in  Ilaa hada aan la hayn Maydka Marxuumka hase yeeshee waxa uu Weriyuhu Sheegay in la soo badbaadiyay Sadex qof oo Mid ka mid ahi uu dhaawac ahaa, iyo Haweenay iyadoo Mayd ah la soo helay isagoo intaas ku daray in Gaadhiga ay Saarnaayeen dadka Shilkan ku dhintay uu ahaa Gaadhiga Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland.

Waxa ilaa iminka Socota sida ay noo Xaqiijiyeen Ehelada Marxuunku Gurmad lagu baadi doonayo Maydka Xildhibaan Aadan Sanweyne Alla ha u naxariistee.

Marxuun Aadan Sanweyne ayaa ka mid ahaa Xildhibaanada ugu miisaan cuslaa Golaha Guurtida isla markaana waxa uu ahaa dadka fara ku tiriska ah ee kaga hadhsanaa Waayo aragii Golahaas lagu yaqaanay ee Somaliland kala soo dabaashay marxaladihii adkaa ee ay soo martay.

Geesta kale isla Dooxa Lafa ruug ayaa galabta qaaday Gaadhi Noociisu yahay Noha ah oo ay Saarnaayeen dad gaadhaya ilaa Toban qof kuwaas oo dhamaantoodba Nolol lagu soo badbaadiyay .

Dooxyada ay maraan Jidadka isku xidha Goboladda dalka ayaa tan iyo intii Roobka Gu’gu bilaabmay waxa ka dhacay shilal door ah inkasta oo ay dhimashadu ku yar tahay ilaa hada inta la ogyahay.

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed