Uncategorized

Xildhibaan ku dhaawacmay qaraxii Hotel Maka Al Mukarama oo Canada ugu soo noqday caafimaad

Toronto Nov 21,2013(SDN)-Mid ka mida Xildhibaanada dalka Soomaaliya oo ku dhaawacmay qarax horaantii bishan ka dhacay Muqdisho ayaa ku soo guryo noqday dalka Canada.

Xildhibaan Sooyaan Cabdi Warsame ayaa ka soo dhoofay magaalada Dubai soona gaaray magaalada Toronto.

Xildhibaanka ayaa Canada u soo caafimaad doontay inkasta oo aaney dhawacyadiisu halis aheyn.

Xildhibaan Sooyaan ayaa sanadkii hore ka tegay dalka Canada si uu uga qeybqaato siyaasada dalka Soomaaliya.

Qaraxaa oo ay sheegatay kooxda Al Shabaab ayaa waxa ku dhintay ilaa dersin halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Xildhibaanka ayaa saxaafada Canada ay daabacday in uu qaabo dhaawacyo ay keeneen walxii qarxay faniinkooda.

Xildhnaab Sooyaan ayaa Canada ku noolaa ilaa horaantoo 1990maadkii kana mid ah Soomaali badan oo dalka dibediisa ku noolaa mudo dheer haatanse dib ugu noqday si ay siyaasada uga qeyb qaataan.

SDN-Toronto
contact@somalidiasporanews.com