Uncategorized

Xiriirka ka dhexeeyay lacagaha laaluushka ah ee suxuufiyiintu qaataan iyo dilalkooda baahay

London Oct 12,2012(SDN)-Warbixin uu diyaariyay suxuufiga Jamaal Cusmaan oo u shaqeeya the Guardian oo ah jariirad ka soo baxda dalka UK ayaa si baahsan loogu qaadaa dhigay sababaha dilka lagu hayo suxuufiyiinta ay yihiin.

Qormada ayaa sadex qeybood u kala qaaday dilalaka loogeysto Suxuufiyiinta Soomaaliya.

Ta koowaad waxa qormadu ay la xiriirisay xaalada amaan daro ee guud ahaan dalka ka jirta.

Ta labaadna suxuufiyiinta ka hawl gelaya warbaahinta dawlada iyo kuwa la jaalka ah ayaa ay Shabaabku u  arkaan sida askarta oo kale oo ay laayaan,mana sheegtaan dilkooda.

Ta ugu daran ee sababta dilalaka ugu badan ayaa lagu sheegay aargoosi ama cadaawad.

Cadaawadan ayaa siyaabo ay ka mid yihiin qabyaalad qeyb ka tahay halka ay qeybta ugu weyna tahay laaluush ay saxaafadu ka qaadato cida wararaka loo baahinayo.

Kolka saxaafadu u muuqato in ay la safan tahay mid ka mida garabyada ishaya waxa ay keentaa leyntooda,bacdamaa ay dilkoodu ka fudud yahay cabashada.

Lacagaha laaluushka ayaa loo yaqaanaa “Sharuur” oo ah lacago suxuufiyiintu qaatan si ay u daabacaan wararka maalintaasi.

Habdhaqanka suxuufiyiinta ayaa lug ku leh dilalaka loo geysto,isla markaana bahdilaad ku ah mihnada muhiimka gaarka ah u leh dal sida Soomaaliya oo kale ah.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com