|

Xisaabta Kulmiye Halkay Ka Xidhmi Weyday???

linSidaa kawada war qabtaan ama intiina badani la socotaan waxa dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay iyo inta sanadkan aynu ku jirnaba marba soo baxayay khilaaf hadheeyay xisbi xaakimka kulmiye waxaana khilaafkaasi in badan kazoo muuqday warbaahinta, hadaba akhriste qalinka umaan qaadan inaan u gar qaado ama aan idhaahdo cidaas ayaa qaldan sidoo kale qalinka uma aqaadan inaan lafaguro qodobada la isku hayo balse waxaan qalinka u qaatay inaan iftiimiyo waxa aniga iiga baxayee la isku mariwaayay ama hadaan si kale u idhaahdo halka khilaafkan u dambeeyay ee gaadhay meeshii ugu saraysay inaan hallka ay ka taagantahay ama ay xisaabtu ka xidhmi wayday. Balse akhriste intaanan tilmaamin ama aanan u daadagin dulucda maqaalkan kooban waxaan jeclaystay in aad ila wadaagtaan waxyaabihii ama hadaladii ay dhinacyada is qardoofay isu marinayeen war baahinta in aan idiin soo gudbiye

1. beentii qarniga waxay ahayd weedh aad iyo aad u soo jiidatay indhaha bulshada waayo waxay tilmaamaysaa been aad iyo aad u weynoo la isu sheegay micnaha kale ee ay bixinaysaana waxay tahay marka musuuliyiintii iyo siyaasiyiintii damacu hayay ay been isu sheegayaa maxaa laga filayaa marka ay bulshada la hadlayaana,, Waxa erayadaasi yo kuwo kale oo aanan hada xasuusani ay ka mid ahaayeen erayadii  ay yidhaahdeen gudoomiyaha Xisbiga mundane MuuseBiixi Cabdi iyo garabkiisii shirkii jaraa,id ee ay qabteen 2. Oday ayaa islaantiisii la arkay isagoo suuqa eryanaya markii la weydiiyayna wuxuu yidhi reeruhu way is dilaane taydu dibadey iila soo baxday.

3. inantii safarka raacday ee aabbeheed uga cabatay dadkii safarka kula jirayna wuxuu ku yidhi aabbo ma qof kaliya ayaad is qabateen mise dadkii safarka oo dhan waxaanay ku tidhi waxaanu is qabanay dadkii safarka oo dhan wuxuuna ugu jawaabay hadaa aabbo adigaa lagu sitaa Sheekooyinkaa  sarbeebta ah ee murtida shaadhka loo galiyay yaadka dheehan kartaa waxay ahaayeen jawaabihii uu madaxweyne kuxigeenku kaga jawaabay su,aalo ay warbaahintu ka waydiisay khilaafka waxaanad arkaysaa sida ay u kala fogaadeen iyo heerka uu gaadhay in khilaafku. Hadaan u soo daadago dulucda maqaalka oo aan intaa kaga imaado weedhihii hawada laysku marinayay intaan ka xasuusto Muxuu Khillafkan ugu dambeeyay Daaranyahay???? Sidaaad la socotaan akhriste khilaafka kulmiye waa mid oo jiitamayay intii aan la qaban shirweynaha xisbiga oo sababay in uu dhawr jeer shirweynaha xisbigu dib u dhacay waxase  gudidii soo dhigeen qodobo kuwaasoo saldhig u ahaa in heshiis la kala saxeexdo. Qodobada lagu heshiiyay waxa jirtay in war baahinta loo soo ban dhigay iyadoo ay jireen qodobo heshiiska ku jiray oo la kala saxeexday balse aan warbaahinta iyo bulshadatoono loo soo ban dhigin oo lagu heshiisahaa inaan loo ban dhigin. Iyadoo ay sidaa tahay hadaan soo qaato akhriste qodabadii heshiiska intii ugu mihiimsanayd ama inaga inaga khusaysay si aynaan wakhti badan ugu lumin waxaan xusi karaa sadexda qodob ee saldhiga ama ubucda u ahaa heshiiska kuwaasoo laba ka mid ah bulshadu hore u haysay balse qodobka ugu mihiimsanaa ee la qariyay islamarkaana ah halka xisaabtu ka xidhmi waydayna aan ku soo qadanayo QODOBA HESHIISKA 1.Inaan Muuse biixi lagula tartamin gudoomiyenimada xisbiga oo aan samaale iyo cid kale toona kula tartamin 2.in samaale iyo todoba xubnood oo kale lagu daro golaha fulinta oo markii hore tiradoodu ahayd 35 xubnood islamarkaana tirade golaha fulinta ee cusubi ay noqdaan 35 hore oo loo geeyo samaale iyo todoba xubnood iyo madaxweynaha oo ah xubin fulinta islamarkaana odayga Xisbiga ah waxaanay tirade sidaas ku noqonaysaa 44 xubnood ( 35+7+1+1 = 44 ) 3. In aan madaxweyne siilaanyo lagula tartamin doorashada soosoco ta xisbiga gudihiisa oo uu ahaado musharaxa xisbiga oo aan muuse iyo cid kale toona iskula sharixin si uu u ahaado musharaxa xisbiga kulmiye ee doorashada lagu wado inay dhacdo 2015 . Akhriste markii intaa lagu heshiiyay iyo qodoba kaleba waxa damay ama bakhtiyay xiisadii ka dhex taagnayd xubnaha ugu tunka weyn xisbiga kulmiye waxaana qabsoomay shirweynihii mudaba dib u dhacayay iyadoo in waliba dhankiisa wixii uu u tabanayay hoosta ku haysto xaalkuna taaganyahay rag I gurayee. Xaajadu markii halkaa ay maraysay ee shirweynihii  la  qabtay waxa sida aadka war haysaan ku dhawaaqay inuu sharaxanyahayMuuseBiixi oo ah gudoomiyaha xisbiga islamarkaana heshiiska lagu cadeeyay inaan cidi kula tartamin isna saxeexay inaanu madaxweynaha kula tartamin xisbiga gudiihsa waana kaa qodobka soo kiciyay Qalalaasihii ka alloosnaa kulmiyeee mar kale dibada keenay isagoo waliba intii hore khilaafku ka balaadhay waxaanay xaajadu taagantahay halki iugu saraysay iyadoo la saadaalinkaro in siday doontaba ha ku dhamaatee ay iska dhamaan doonto oo xalku iman doono waxaanay noqon doontaa in ama hogaan cusub la doorto ama hogaan kajira la yidhaahdo u hogaansan heshiiska adgashay adigoo maankaaga qabo oo gudoonka ad qaadtay ee aad ku qanacday xejiso isku soo wadaduuboo xaajada xisbiga kulmiye waxay maraysaa meeshii ay soomaalidu hore uga soo maahmaahdayee ay tidhi (Hiirtaayo Xusuuste Wallaal ma Xidhiiso) waxaantaas u leeyahay laba daawoodood ee k u hirdamaya xisbiga gudihiisu waxa uu midba midka kale ka tirsanayaa abaaluuleeyahay waan u galay sii faaqidimaayee waxaan kusoo qaadandoonaa maqaal dambe oo aan kagafaaloonayo abaalada ay kalatirsanayaan iyo ka  abaalka ugu weyn loo galay………………………………

Qalinkii: Liban Ismail Abdilahi Email: Liibaanhanad79@gmail.com

Comments are closed