|

Xisbiga Mucaaridka ee Waddani oo Iska fogeeyay eedaymo uu Xisbiga Kulmiye Maanta u Jeediyey lana hadlay Somalia DAAWO

Hargaysa 03. October 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Maxamed C.laahi Uurcade ayaa waxba kama Jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay mas’uul ka tirsan xisbiga Kulmiye oo Sheegay in Xisbiga Waddani uu u Diiday ardayda wax ka barata Jaamacadda Timcade ee gebilay inay qayb ka noqdaan Shaqaalaha uu Komiishanku u qaadanayo Maalmaha Doorashadda.

Xoghayuhu waxa uu sheegay in hadalada noocaas ahi ay yihiin wax laga xishoodo oo aanay gayin Xisbiga WADDANI iyo Ardayda Jaamacada Gabiley toona in la yidhaahdo Shaqaalaha Komishanku haka reebo Ardayda Jaamacada Gabiley.

Mr Uurcade waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa oo uu ka jawaabayey hadalka ka soo yeedhay xisbiga Kulmiye oo uu ku tilmaamay inuu cod ku raadinayo xisbiga Kulmiye warar been ah oo bulshada lagu soo dhex tuuro.

Isagoo Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisu waxay cod ku raadinayaan war aan jirin inay bulshada u tabiyaan, Gabiley waa WADDANI, Jaamacada Gabileyna waa jaamacadiisii umadana ma qabato reer Gabileyna ma qabato reer Somalilandna ma qabto inaanu nidhaahno Arday jaamacad dalka ka mid ahi kama qaybgalayso arinta doorashooyinka oo Komishanka doorashooyinka Qaranku ma qornan karo anagu ma odhanayno.

Si ay ugu helaan cod waxa warbaahinta uu Xisbiga Kulmiye ku sii daayey in xisbiga WADDANI diidan yahay jaamacada Gabiley waa hadal laga xishoodo, hadal dadka lagu yidhaahdo maaha, hadal ay geyaan maaha, hadal xisbiga WADDANI gayo maaha, aad iyo aad ayaanu uga xunahay, waxaanu leenahay jaamacada Gabiley waa dugsigii Qalaxoo waa hormoodka Somaliland iyo Jaamacadaha dalkuba, midwalba qadarin iyo ixtiraam ayaanu u haynaa diyaarna waanu u nahay, waana hawshii Komishanku lahaa, waxaanu jecelnahay in Komishanka Qaranku arintaa xisbiga Kulmiye uu warbaahinta galiyey oo aanay waxba ka jirin inuu talaabo degdeg ah ka qaado.

Waxa kale oo aanu u sheegaynaa arinta gobolnimada ee ay ku celceliyaan xisbiga Kulmiye todoba sanadood ayuu dalka joogay, Golaha Wakiiladu way u qoreen Madaxweynaha in Gabiley laga dhigo gobol cida hortaagani ma ayo ma WADDANIbaa. Gudoomiye Cabdiraxmaan gudoomiye ayuu ka ahaa Golaha Wakiilada markii loo qoray in Gabiley laga dhigo gobol iyo goboladii kale ee la magacaabayba, cida hortaagani waa Kulmiye maxay waxa ay bari u qabanayaan ay maanta ugu qaban la’yihiin Gabiley.

Gabiley gobolnimadeeda dulmi badan ayaa ku jira mudo dheer ayay sugaysay cida maanta dulmidayna waa cida todobada sanadood dalkan xukumaysay hadana doonaysa inay Gabiley cod kaga helaan mar aan jirin oo ay WADDANI ka sheegaan.” Ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Uurcade, Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI, waxaanu sidoo kale Xoghayuhu uu ka hadlay digreetooyin Madaxweyne Siilaanyo ka soo saaray Adeegsiga Warbaahinta Dawlada iyo Shaqaalaha Dawlada xiliga ololaha doorashada.

Waxaanu Mr Uurcade uu soo dhaweeyey Degreetada Madaxweynaha waxaanu yidhi “Arinta digreetooyinka Madaxweynaha aadbaanu usoo dhaweynaynaa digreetooyinkaa uu Madaxweynuhu soo saaray, Komishanka Doorashooyinka Qarankana waxaanu ka codsanaynaa in sidaa ay yihiin ee Madaxweynuhu usoo saaray ay u fuliyaan.

Nasiib darro waxa muuqata in guddidii Ololaha ee Kulmiye uu soo saaray waxa ku jiray macalimiin, waxa ku jiray kaaliyeyaal waxa ku jiray shaqaale dawladeed, waxa ku jiray maamule yaal waxa ku jiray Wasiiro waxa ku jiray Maayaro, waa nasiibdaro in xukuumadii iyo xisbigeedii aanay wada-socday, waxaanu leenahay ixtiraama shuruucda iyo digreetooyinka Madaxweynuhu soo saaray, sida anaguba aanu u ixtiraamayno, una hogaansama wareegtada Madaxweynuhu soo saaray.” Ayuu yidhi Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI, Maxamed Cabdilaahi Uurcade.

Gabagabadii Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI, waxa uu tilmaamay in Qaranimada Somaliland ay tahay lama taabtaan isla markaana ay ku timid Afti laga qaaday shacabka Somaliland oo ku tashaday inay ka madaxbanaanaadaan Somalia inteeda kale; “Madaxweynaha imika haysta qayb ka mid ah Muqdisho iyo raga u shaqo tagay Xamar ee la jooga ee gudoomiyeyaasha sheegtaa waxay ku celceliyaan sidii ay Somaliland ugu celin lahaayeen Xamar, inbadan baanu ka maqalnay waxaanu u sheegaynaa Somaliland waa umadd tashatay waa ummadd go’aan, Markaa walaalayaal waxaanu idin leenahay aynu jaar fiican ahaano, arintaa aftibaa laga qaaday, Arin wasiiro iyo madaxi ay gaadhay maaha shacbigaa gaadhay shacbigana go’aankiisa waa lagu khasban yahay, haday aduunyada tahay iyo haday Soomaalida tahayba.” Ayuu yidhi Xoghayaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, Maxamed Cabdilaahi Uurcade.

Comments are closed