|

Carraale Ogaal: Kaftanka Muuse Iyo Cirro

Marka hore xamdi alla iyo naxariis Eebbe. Marka xigga, Iyagiyo allahoode la lahaa Muuse iyo Cirro ayaa kaftamay. Kuye Cirro, “Waaryaa Muuse Inaadeer markaan ku arkaba waad cadhaysantee farxadba miyaydaan is arag? Suuye Muuse; “Kkk…Maya, waan farxaa ee cadhadayda iyo farxadaydaa kala badan baa laga yaabbaa,  waxse aan ku waydiiyay Adiga, markaan ku arkaba waad qoslaysaaye miyaydaan cadho ba is arag? Kuye Cirro; “KKKK…Horta qosolkaygu waa abuur. Inta badan farxad baan la qoslaa oo qosolku waa astaanta farxadda. Marar qaarkoodna qosolkaygu cadho qarsi buu taagan yahay, xamilkayguna waa hibo, waayo horraa loo yidhi hadaad Salbatawayn joogto himiladdada badh baa la qarsadaa, haddii kale qof walba waad u jawaabaysaa, haddaad sidaa noqotona madaxnimo dhimatay.”

Suuye Muuse; “Anba aad baan u dulqaad badnahay oo todobaddaa sannadood wixii i soo maray nin kale uma dulqaateen, laakiin daalacan baan dhashay oo wax kastaba Muusaa sameeyay uun baa la odhanayaa, markaa wax aanan ahayn baa laygu tilmaamaa…”

Kuye Cirro; “kkkk…Muj. Adiga farro fidintaadii iyo xasaraddaadii horraa badnayde, Anba eegga wax aan laygu odhani ma jirto, dhaliishanna Inagaa soo doonaynay ee aan xamilno. Midda kale muj. haddii lagu yidhaahdo  Cirro sidaad u taqaannaa maxaad odhan lahayd? Suuye Muuse; “KKkkkk….Waxaan odhan lahaa Cirro waa nin qosolkiisu badan yahay, jilicsan, debecsan, duruufta adag aan dalka ka saari karrin…. Adigu maxaad xagayga ka odhan lahayd? Kuye Cirro; “Horta qosolkayga waanigii hore kuugu sheegay. Ta debecsanidana waxaan kaa idhi, markay dadkayga tahay waa run waan u debecsanay, laakiin shisheeyaha waan ku addagay. Jillicsanaantana waxaan kaa idhi, ninna dab aannuu ku guban dambaskiisa kama baydho. Haddaan taada u soo noqdona waxaan odhan lahaa, Muuse waa nin qalafsan, macangag ah, dulyar, labo aan laysku helin labadaba jecel, bakhayl ah, dadka isku wadi karrin, laakiin haasaawe badan….”

Suuye Muuse; “Anigu nin adag baan ahay ee nin qalafsan ma ihi, macangagna ma ihi, kursiga iyo lacagtana adba labadaba waad jeceshahay, laakiin taa bakhaylnimadda waxbaa ka yarra jirra, ee sidayda wax u qirro” Kuye Cirro; ” Muj. Anigu  kursigaa aan doonayo ayaan jecelahay, lacagtana waan ku muraadsadaa si aan kursigaa u gaadho, laakiin Adigu lacagtaad jeceshahay, kursigana iyadoon kharash kaaga bixin in lagu yidhaa hoo baad jeceshahay, xitaa aniga haddii layga kaa reebi karro iga reebbaad odhan lahayd” Suuye Muuse; “kkkkkk…Kula yaabi maayo oo waxa i haystaan ku haysan, wiyil raaxo joogtaa ku dabaalataa webi…Kursiga jid dheer baan u soo marray, waad ogtahay waxaan qodax soo jiidhay, adna qunyar baad iska soo booddoo markaasaad isleedahay siddaasaa laguugu waddayaa, siddi siddiddaada mooyee dhul u dhacaaga hubso”

Kuye Cirro; “Dee waad xanaaqdee, waa maxay hanjabaadu…..” Suuye Muuse; “Maya ma xanaaqin ee waa siddaa…” Kuye Cirro; “Hadda, hanjabaad diblomaasi iyo hanjabaad millateri ta diblomaasigaa khatarsan, taadu waa daahir yaa shamis, taydana goor lagu taabtay ogaan mayside yaynaan isla fogaan. Midna waan kaaga mahadnaqayaayoo horta ficilkaagu Aniga wax badan buu i tarraa, Illaahay baa isugu kay hagaajiyay Anna waan dadaalayaa, siday wax usocdaanna waad aragtaa, markaa saaxiib markaan kursiga tago kuu darraan maayoo, kollay wax badanni kaama bixine wixii kaa baxayna waan kuu celinayaa, mid kalena waan ku siinayaa, taliyaha ciidankana haddaad doonayso waan kaa dhigi ee shaydaanka iska naar” Suuye Muuse; “Wagagac alla muxuu isla boodday, waar Aniga dhaartii uun baa ii hadhaye, Wasiirka Arrimaha Dibaddu dan ma kuu yahay” kkkkkkkkkkk….. Kuye labaddooduba; “Waar waa inoo mar kale iyo hay waa inoo mar kale”.

Xigasho Wargayska Ogaal.

Comments are closed